Wararka U Dambeeyey ee Coronavirus

Caalamka – (warsoor) – Caabuqa Coronavirus ayaa dunida si xawliya ugu sii fidiya waxaana hadda korodhka xanuunkan hogaaminaayey dalka Maraykanka.

Guud ahaan caalamka caabuqa coronavirus wuxuu ku dhacay 634,835 qof, waxaa u dhintay 29,957 qof. Waxaan ku fiday dalal gaadha 203 dal oo dunida oo dhan.

Dalalka uu xanuunkani aafeeyey waxaa saddexda kaalmood ee u horeeyey ku kala jira dalalkan:

  1. Maraykanka – 103,321
  2. Talyaaniga – 92,471
  3. Shiinaha – 82,356.

Xogtan ayaa ah xogtii ugu dambeeysey ee ay baahiso hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO 29 March, 2020 – 9-ka fiidinimo.