Ra’iisul wasaare Kheyre oo u Ambabaxay Dalka Turkiga

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay dowlada aan walaalanahay ee Turkiga.

Mudane Xasan Cali Kheyre waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, isagoo inta uu joogo dalka Turkiga lagu wado inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaadan doona dhigiisa Turkiga Binali Yıldırım, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya, sida dowlada Turkiga ay kaga qeyb qaadan karto dagaalka dalka looga xureynayo Argagaxisada Al shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ayaa uga mahad celin doona Madaxweynaha Turkiga gurmadka shacabka iyo dowlada Turkiga ay u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed ee waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu booqan doonaa Isbitaalada la geeyay dhaawacyada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, 14-kii bishan, sidoo kale wuxuu kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

 

Xigasho: Sonna

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap