Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Dooxa

Qadar – (warsoor) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dalka ka dhoofay ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Dooxa uga qayb gelaya madasha Dooxa.

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.

Ra’iisul Wasaaraha oo sanadihii 2018 iy0 2017 sidaan oo kale uga qayb galay madasha Dooxa, ayaa intuu joogo Dooxa waxuu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.