Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u Soo Magacowday Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xilliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, kana taageero dhinacyo badan oo ay ugu horreyso dagaalka kooxaha Khawaarijta ah looga ciribtirayo dalka.

Mudane Xamse oo sheegay in ay mahad u hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee walaalaha ah.