Iran oo sideed sano kadib safiir u magacowday Imaaraadka

TEHRAN – (WARSOOR) – Iran ayaa safiir u magacowday Imaaraadka Carabta, ku dhowaad sideed sano kadib markii uu ka tegay safiirkii hore, xilli uu soo hagaagayo xiriirkeeda dalalka Khaliijka.

β€œSideed sano kadib, wasaaradda arrimaha dibedda waxay u magacowday Reza Ameri inuu noqdo safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Imaaraadka Carabta,” waxaa sidaas Talaadadii qortay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA.

Tallaabada ayaa timid kadib markii Iran ay soo dhoweysay safiirka Imaaraadka bishii September, taasi oo soo geba-gebeysay maqnaansho lix sano ah.

Imaaraadka Carabta ayaa dhintay heerka mataalaaddeeda diblomaasi ee Iran kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Sacuudi Carabiya uu xiriirka u jaray 2016-kii, kadib markii dad ka caraysan xukun dil ah oo Sacuudiga ay ku fuliyeen wadaad Shiico ah ay weerareen safaaraddeeda Tehran.

Kadib markii dhowr dal oo xulufada Khaliijka ah ay waddada u fureen, Riyadh ayaa bishii tagtay dib usoo celisay xiriirka diblomaasi ee Iran, heshiis ay dhex-dhexaadisay Beijing.

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa aqbalay casuumad uu ku booqanayo Riyadh oo ka timid boqor Salmaan, sida uu Isniintii xaqiijiyey madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Iran Mohammad Mokhber.

Iran iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddo lahaa xiriir dhaqaale oo dhow, oo weli socda xitaa marka uu midka diblomaasi qaboobay.