Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada Labaad ee Jubaland

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada Labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey oo uu ka dhageystay warbixin ku saaabsan socdaalkoodii Kismaayo iyo qorshaha safarka guddigu ku tagayaan Garbahaarreey, si ay wadatashiyo ula soo yeeshaan qeybaha kala duwan ee bulshada.