Wadahadaladii Ruushka iyo Ukraine oo galay wejigii Saddexaad

Muqdisho – (WARSOOR) – Wareegii saddexaad ee wada xaajoodka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa maanta oo ka furmay magaalada Brest ee dalka Belarus.

Ruushka ayaa goor hore ku dhawaaqay xabbad joojin “ku-meel-gaar ah” oo ka hirgalaysa caasimadda Ukraine ee Kyiv,magaalooyinka Mariupol, Kharkiv, iyo Sumy si loo xaqiijiyo daad-gureynta dadka rayidka ah ee sugan magaalooyinka oo Ruushku duqayn Culus ka geysanayo.

Duulaanka Ruushku ku qaaday Ukraine ayaa sababay barakac iyo burbur baahsan oo ay wajahayaan Shacabka Ukraine.