Ra’iisul wasaaraha XFS oo kormeeray xarunta dowladda hoose ee Xamar

MUQDISHO – (WASOOR) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kormeeray Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay mas’uuliyiinta gobolka in ay dardar galiyaan adeegyada ay u hayaan bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir sida horumarinta waddooyinka, nadaafadda iyo bilicda caasimadda.