Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo ayaa kawada hadlay qodob dhowr ah, isagoo R/wasaare Kheyre uga mahad celiyey Midowga Yurub taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Danjiraha Midowga Yurub Veronique Lorenzo, ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan taagerada dhaqaale ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxayna caddeysay in ay la dhacsan yihiin hanaanka Maamul ay ku shaqeyso Dowladda.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.