Ra’iisul wasaaraha JFS oo ka qeyb galay Xaflada Sanad guurada koowaad ee gudiga Doorashooyinka Qaranka

Muqdisho – (warsoor) – Xafladan oo lagu soo bandhigayay waxqabadkii Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo maanta sanad laga joogo markii la dhisay ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Somaaliya ,Wasiirada Arimaha gudaha iyo warfaafinta,xildhibanao katirsan baaralamanka JFS, Gudoomiyaha iyo xubnaha Guddiga Madaxa banana ee Doorashooyinka Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intii ay xafladda socotay ayaa Reysulwasaaraha la gudoonsiiyay shahaado sharaf ay ugu talagaleen Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyadoo mas’uuliyiinta Guddiga ay sidookale soo bandhigeen waxyabaihii u qabsoomay mudadii sanadka aheyd ee guddiga uu jiray oo ay ugu muhiimsaneyd tababaro lasiiyay xubnaha Guddiga si aqoontooda kor loogu qaado,in la bilaabay dhismaha xarunta cusub ee Guddiga oo noqon doonta meel ka baxsan Madaxtooyada oo hada ay ku shaqeeyaan, iyo Websiteka Guddiga oo maanta wixii ka dambeeya shaqeyn doona si loo gala socdo macluumaadka Doorashooyinka dhacaya sanadka 2020.

Ra'iisal_wasaaraha_somaliya

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (xaliimo yarey) ayaa sheegtay in shaqada Gudiigooda ay tahay diyaarinta Doorasho qof iyo cod ah oo lafilayo in dalka ay ka dhacdo sanadka 2020 loona baahan yahay in madaxda Dowladda iyo shacabkaba ay arintaasi kala shaqeeyaan Guddiga.

“Dadka qaar gudigaan in lakala diray ayay la noqotay balse waxaan idiin sheegayaa markale in Guddiga dhawaan la sameeyay ay yihiin kuwa looga gudbayo doorashada dadban ee 2016,lkn anaga waa jirna waana shaqeyneynaa waxaana howsheena ay tahay inaan dalka gaarsiino doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 sida maan dheetkeenu uu yahay balse waxaan ka codsanayaa xukuumada in la samaeeyo sharcigii doorashooyinka si howsha naloo xilsaaray ay noogu qabsoonto” sidaas waxaa tiri Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Reysulwasaaraha Xukuumada Somaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hadlay gabagabaadii xafladda ayaa hambalyo iy bogaadin u diray Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka mudadii sanadka aheyd ee ay shaqeynayeen iyo waxqabadka ay la yimaadeen wuxuuna balanqaaday in Xukuumada ay diyaarineyso sharciga doorashooyinka si Guddiga ay helaan wado ay u maraan hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.

“Anaga hada waxaan diyaarinay qorshe lagu gaarayo doorashada 2020 dheceysa oo ah qof iyo cod waxaana la tagi doonaa shirka ugusoo horeeya ee madasha qaranka ,shirkaasi oo leydinku casumi doono si aad adinkana usoo bandhigtaan qariirada aad ku howlgaleysaan si loo gaaro doorashada la filayo sanadka 2020” sidaas waxaa yiri Ra’iisul wasaare Sharmaarke.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Xigasho: sonna