Ra’iisal wasaare Rooble oo la kulmay James Swan

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan

Kulanka ayaa si weyn diirada loogu saaray howlaha doorashooyinka ee socda ee Ra’isul Wasaaruhu hoggaaminayo, dhammeystirka guddiyada doorashooyinka iyada oo Ra’isul Wasaaruhu sheegay in dhankiisa ay ka go’an tahay in waqtiga aan dib u dhac ku iman balse ay ku xeeran yihiin duruufo u baahan in dhammaan ay gacan ka geystaan dardargalintooda.

Kulanka uu Ra’isul Wasaare Rooble la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay waxa goobjoog ka ahaa Guddiga Farsamada Doorsashooyinka ee dhawaan uu magacaabay Ra’isul Wasaaruhu, kuwaas oo ka shaqeyn doono arrimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare Rooble iyo James Swan ayaa ka wada hadlay sida la isaga kaashan karo taageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka deegaanada Hirshabelle oo uu Ra’isul Wasaaruhu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in si dhaqso ah kaalmo lala gaaro dadka tuulooyinka ay barakaciyeen daadadka Wabiga Shabeelle

Qodobada kale ee si weyn looga hadlay waxa ka mid ahaa Amniga, cadaaladda iyo cudurka corono virus iyo sidii loo dardar gelin lahaa tallaalka Covid-19.