Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb galay munaasabad ruqsadda Mobile Money lagu bixinayay

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad Baanka Dhexe ee Soomaaliya uu shirkadda Somtel ku guddoonsiinaayey ruqsadda Mobile Money(Licence) oo ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka waddanka iyo ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo leeyahayba.

Wasiirka oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa wuxu ugu horeyn boggaadiyey shirkadda la siiyey ruqsadda, Waxaana uu sheegay in arrintan meesha ka saarayso nugaylka hannaanka maaliyadeed ee dalka sida maal-galinta argagaxisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ka dhalata lacagaha aan nidaamsanayn. Sidoo kale wuxu carabka ku dhuftay in uu adeegani fudududeeynayo ganacsiyada yar-yar oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.