Ra’iisal wasaare ku-xigeenka XFS oo Tababar u Furay Guddida Doorashooyinka

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tilmaamay in tababarkan uu fududeynayo in si cadaalad oo aqooni ku dheehan tahay guddiga doorashada u guto waajibaadkiisa shaqo,islamarkaana doorashada u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhowaan howl-geliyey Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Khilaafaadka ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay masuuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.