10 DABEECADOOD OO UU NIN KASTAA JECLAAN LAHAA IN AY XAASKIISU YEELATO (Q.2aad)

5. KAFTAN IYO FURFURNAAN: Xeeldheereyaasha cilmiga bulshada ee u kuurgalay dabeecadaha dumarka ee soo jiita dareenka ragga ayaa ogaaday in nin kastaa dareen kalgacal u qabo in afadiisu ay noqoto gabadh furfuran, kaftan aqoon ah, noloshana farxad iyo niyadwanaag ku eegta, taas oo uu ogyahay in ay tahay dawo aan wax loo dhigaa jirin oo ka bogsiin karta waayaha adduun ee kadeedka badan iyo duruufaha murugada abuura.

6. DHALIISHA DHEGEYSAN KARTA: Fureyaasha guud ahaan xidhiidhada caafimaad qaba oo dhan waxaa ka mid ah in labada qof mid kasta oo ka mid ahi uu rumaysto xaqiiqada ah in qof dhinac kasta ka dhammays ahi aanu jirin. Maadaama oo ay sidaas tahayna muhiim ma’aha in aad cambaarayso dhaliil kasta oo aad qofka ku aragto. Iyada oo aadamaha oo dhami uu dhaliisha necebyahay, xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu waxa ay sheegeen in raggu ay si aad ah u necebyihiin ruuxa ceebahooda iyo dhaliilahooda dabagal ee ku ceebeeya. Sidaas awgeed waa uu ninku jecel yahay gabadha dhaliilihiisa sida ay yihiin ugu dulqaadata ee aan ka abuurin doodo khilaaf abuura iyo dhaqanno uu u arko in ay doonayso in uu beddelo dhaliilahaas.Waa arrin ay gabadhu marar badan ku saxantahay in ay isku daydo in ay saygeeda ku baraarujiso ceebihiisa si uu u saxo, laakiin waxaa run ah in nin kasta haddana jecel yahay in sida uu yahay lagu aqbalo, sidaas awgeed isku day kasta oo gabadhu ku dhaliisho ama cambaarayso ceebihiisu waa uu sii kala fogeeyaa lammaanaha.

7. DHALANTEEDKA: Naftu kama maaranto in ay mararka qaarkood isku maaweeliso humaag qurxoon oo ay mustaqbalka ku aragto, sida oo kale siima jiri karto haddii aanay runta iyo waaqaca nololeed waajahin. Laakiin inta badan ma dhacdo in labadaas qaybood ay isu dheellitirmaan, balse waxaa dhacda in mararka qaarkood qofka ay ku badato malo-awaalka iyo khayaaligu, halka kuwo kalana ku talaxtagaan dhinaca kale.Raggu aalaaba waxa ay jecelyihiin in nolosha ay dhinaca adag ka eegaan, sheekooyinkoodana waxaa u badan ba’a ay soo mareen. Sidaas awgeed waxa ay jecelyihiin haweenayda dhinaca xaqiiqada nolosha waajihi karta. Nolosha ayaa sideeda caqabado iyo carin badan, sidaas awgeed waa qasab in laga fikiro sidii loola qabsan lahaa iyada oo aan dhibaato ku noqonayn sii wadista nolosha, sidaas awgeed nin kastaa waxa uu jecelyahay gabadha nolosha runteeda waajahda.

8. KALGACAL IYO DARYEEL: Abuurta ragga ayaa ah in ay jecelyihiin daryeel, koolkoolin iyo kalgacal loo muujiyo, sidaas awgeed si gaar ah ayaa uu ninku u jecelyahay gabadha dabeecadaas leh ee xitaa qoyskiisa iyo asxaabtiisu dareemaan kalgacalkeeda, iyo qalbi wanaagga ay u hayso isaga iyo cidda ku xidhanba, waana dabeecad inta badan ragga iyo dumarkuba ka siman yihiin.

9. HAL-ABUURHal: abuurka iyo curintu waxa ay qurxiyaan xidhiidhka lammaanahan. Tusaale ahaan gabadha hal abuurka leh ee awoodda in ay dareenkeeda ku cabbirto qoraal ama sawir waxa ay fursad weyn u haystaa in ay si dhow u kasbato qalbiga ninkeeda.

10. Go’aan jileecNoloshu maadaama oo ay caqabado iyo kadeed badantahay waxaa mar kasta qasab ah in qofku uu nafsad ahaan u diyaarsan yahay in uu go’aamo degdeg ah oo wax ku ool ah qaadan karo. Raggu waxa ay ku faanaan ama isku faaniyaan go’aan qaadasho, laakiin haween badan ayaa ka badiya ama la mid ah.Ninku si gaar ah ayaa uu u jecelyahay gabadha awoodda u leh go’aan qaadashada. Sida oo kale waxa ay jecelyihiin gabadha ku dhaca u leh in waxa ay doonayso ay si aan gabbasho lahayn toos ugu sheegi karto.

DHAMMAAD.