Raiisal Wasaare Khayre oo Wasiirrada Ku Amray Dhamaystirka Qorsha Hawleedka Sanadka 2018

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulankii maanta ee golaha wasiirrada ayaa faray dhammaan wasiirrada xukuumadda in kahor dhammaadka bisha December ay dhamaystiraan hawlaha uga harsan qorsha hawleedka sannadka 2018-ka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhammaystirka qosha howleedka sannadkaan ay fududaynayso in si fudud loogu gudbo qorshayaasha qaran ee sannadka 2019.

Kulanka golaha wasiirrada ee maanta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhammaan warbixinno iyo hal-beegyada tubaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guulaysto sannadkaan dhammaadka ah.

Xigasho: sonna

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap