Dahabshil Company Daarasalaam Bank
Published On: Sun, Nov 26th, 2017

R/Wasaare Khayre oo magacaabey Wasiirka Gaadhaandhigga,xilkiina ka qaadey Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta

Muqdisho – (warsoor)  Ra’iisul Wasaraah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga ,iyadoo xilkii laga qaadey Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in degreetadaasi ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre lagu magacaabey Wasiirka Gaashaandhiga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaadye Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga  umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii laga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali.

Xilki Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.

 

Xigasho: sonna

This post is also available in: Somali

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>