Muqdisho – (warsoor) – Dablay hubaysan ayaa qof ganacsadde ah ku khaarajiyey magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Suuga Khaliifa oo qayb ka ah Suuga weyne ee Bakaaraha.
Dadka goob-joogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan khaarajin ah ay gaysteen koox watay Moota Bajaaj oo ku hubaysnaa baaskooladdo, waxaanay toogasho ku dileen nin dhaliyaro ah oo lagu magacaabi jiray Saciid oo ka dhex ganacsan jiray suuqa khaliifa.
Dablaydan ayaa markii ay khaarajiyeen marxuunkan ka dul qaatay laba moobayl oo uu wattay waxaanay isla markiiba ka carareen goobta ay falkan dilka ku gaysteen.
Xukummadda Soomaaliya iyo laamaha amaanka ayaan wax war ka soo saarin dilkan budcadnimadda ah ee ka dhacay magaaladda Muqdisho.
This post is also available in:
Somali