Qodobada lagaga Hadlay Kulan Ku Dhexmaray Safiiro Somaliland & Sacuudiga ka socda Addis Ababa & Natiijooyin ka soo baxay

Addis Ababa – (warsoor) – Safiirka dalka Sacuudiga u fadhiya dalka Itoobiya H.E. Cabdalla Fareh Alarjani ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu furdaamin doono xayiraada xoolahii Soomaalida lagu soo rogay, kulan dhexmaray Safiir-xigeenka Somaliland u fadhiya Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye.

Qoraal kooban oo Safiir Ayaanle Salaad ka soo saaray kulanka ku dhexmaray Safiirka Sacuudiga Alarjani xafiiska safaarada Somaliland ee Addis Ababa ayuu ku sheegay:

“Kulan aan xafiiska safaarada Somaliland ee Itoobiya kula yeeshay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Itoobiya H.E. Cabdalla Fareh Alarjani ayaa laga hadlay danaha labada wadan wadaagaan & sidii loo sii xoojin lahaa, xilligan oo xiisad ka soo korodhay Gacanka Carabta.

Safiir Ayaanle ayaa raaciyey qoraalkan warbaahinta loogu talogalay ee soo gaadhay shabakada SomalilandSpan, “Safiirka Sacuudiga H.E. Cabdalla Fareh ayaa amaanka doorka Jamhuuriyada Somaliland iska taagtay xiisada Gacanka, isla markaana ballanqaaday in dalkiisu furdaamin doono xayiraada xoolaha, oo wada xaajoodkii lagaga wada hadlay.”

Kulanka Ku-xigeenka safaarada Jamhuuriyada Somaliland ee dalka Itoobiya Safiir Ayaanle Salaad Diiriye iyo Safiirka dalka Sacuudiga u fadhiya H.E. Cabdalla Fareh Alarjani oo natiijooyin muuqda ka soo baxeen ayaa ku soo beegmaya kulamo maalmahii u dambeeyey Safiir Ayaanle Salaad kula yeelanay xafiiskiisa qaar ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibeda Qaarada Afrika, oo ka qeybgalka  kal-fadhigii Midowga Afrika u soo gaadhay magaalada Addis Ababa.

Saxafi: Maxamud Walaaleeye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.