QM: 24 qof ayaa ku dhintay daadadka Soomaaliya

Soomaaliya – (warsoor) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 24 qof ay ku dhinteen daadadkii maalmahan ka dhacayay Soomaaliya, in ka badan 283 qofna ay barakaceen, daadadkaas oo saameyay 700 oo kun oo qof oo ku nool 24 degmo.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Isku-duwidda Gargaarka ee ee Qaramada Midoobay ee OCHA, daadadkan ayaa yimid xilli waddanku uu la daalaa dhacayo ka hortagista xanuunnka COVID-19 oo ilaa iyo hadda ay u dhinteen inta la xaqiijiyay 53 qof, 1,284 qofna uu ku dhacay.

Qoraalka Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in daadadku ay saameeyeen dhamaan maamul goboleed koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland.

Daadadkan ayaa ka dhashay heerka biyaha wabiga Shabeelle oo kor u kacay iyo buuraha dhulka sare ee Ethiopia oo biyo kusoo rogay togag iyo dooxooyin dhinaca Ethiopia ka soo gala Soomaaliya.

Dhulka joogiisu hooseeyo ee magaalada Beledweyne sida xaafadaha Xaawa Taako iyo Kooshin ayaa maalintii shanaad dad badani biyo dhex jiifaan, iyadoo qaar badan oo kalena ay guryahooda ka carareen iyagoo gabaad u raadsaday tuulooyinka Beledweyne ku dhow dhow.

Xigasho: VOA SOMALI