Puntland oo ka hadashay Khasaaraha Ka Dhashay dagaal dhexmarya Al-Shabaab & Ciidamada

BOOSAASO – (WARSOOR) – Wasiirka aamniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ka warbixiyey dagaal shalay Khamiistii deegaanka Balikhadar ee Buraleyda Galgala ku dhex maray ciidamada Puntland iyo ururka Al-Shabaab, dagaalkoosaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Wasiirka aamniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in dagaalka dhex maray ciidamada Puntland iyo kuwa xarakadda Al-shabaab uu socday muddo kooban.

Wasiirka ayaa sheegay in dhinaca Puntland uu 1 askari kaga dhintay sidoo kalena uu 1 qof kaga dhaawacmay . Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhinaca Al-shabaab uu dagaalkaasi kaga dhintay 3 qof iyo halka tiro kale ay kaga dhaawacmeen, dhaawacoodiina ay hore u sii qaateen.