Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO — (WARSOOR) – Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, dhowr kalana way ku dhaawacmeen qarax abaare Salaaddii Maqrib ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Benaadir.

Qaraxa, oo la xaqiijiyay in uu ahaa qof ismiidaamiyay, ayaa ka dhacay maqaaxi yar oo ku taalla guryahii saraakiisha, sida uu VOA-da u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Hodan Axmed Cali Faarax.

Qofka qaraxa ku dhintay ayaa lagu magacaabaa Cabdi Axmed Yuusuf oo loo yaqannay (Afar Sheegle), oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shabeellaha Hoose

Sidioo kale waxaa dhaawac culus uu soo gaaray taliyihii amniga wasaaradda gaashandhiga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Muxumad Qaanso. Jeneraalka ayaa la sheegay in uu ahaa qofka la beegsaday.

Qaraxa ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab, oo bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ku beegsatay saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya.