Maxaa lagu micneyn karaa qodobadii kasoo baxay shirkii Muqdisho?

MUQDISHO – (WARSOOR) – Shirkii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa shalay gelinkii dembe lasoo gabagabeeyay waxaana kasoo baxay qodobo inta badan la sheegayn in laga dooday, balse aan la xaqiijin in lagu heshiiyay.

Shirka oo ahaa mid saxaafaddu ay dibadda ka joogtay ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la yeeshay siyaasiyiin hore usoo maamulay Soomaaliya, sida madaxweyne hore, Ra;iisul wasaareyaal hore iyo Afhayeennadii hore ee Baarlamanka, walow shalay mas;uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ay kusoo biireen.