Puntland Oo Ku Baaqday In La Laalo Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya

Garoowe – (warsoor) – Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa Isniinta Maanta ah oo ku beegan 15 June 2020 ka furmay Xarunta Golaha Caasimadda Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Khudbad dhinacyo kala duwan leh ka jeediyay Kalfadhiga ayaa ku baaqay in gebi ahaanba la laalo Sharciga Doorashooyinka heer Federaal ee ay ansixiyeen Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in Saamileeyda Siyaasadda dalka ay isuygu’ yimaadaan Shir looga arrinsanayo Hannaanka loo wajahayo Arrimaha Doorashooyinka Madaxtinimada ee Soomaaliya.

Mudane Deni wuxuu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay dano Siyaasadeed ka leeyihiin Sharciga Doorashooyinka oo uu xusay in aan lagala tashan Puntland.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland isagoo sheegay in Puntland aysan aqoonsan doonin Natiija kasta oo ka soo baxda Shirkaasi.