Olole Qabiil iyo Af-lagaado?

Somaliland waxay ku faantaa inay tahay dalka kaliya ee dimuqraadiyad dhabii ka jirto, marka laga hadlayo geeska Africa. Dadkeenu waxay goob kasta ka sheegaan inay Somaliland doorashooyin xalaala oo madaxtooyo ka qabsoomaan afartii ama shantii sanaba mar. Waxaynu Africa iyo aduunkaba tusnaa inay xil wareejin nabad galyo ahi ka dhacdo Somaliland. Doorashooyinku way farxad galiyaan dadka Somaliland, waxayna noqotay rukun aynu ku faano, aduunkana ictiraaf kaga raadino. Waxyaabahaa aan kor ku sheegoo dhani waa ka jiraan Somaliland, waana mid gara haydnu ku faano. Hasayeeshee markaad hoos u sii dhaadhacdo, waxaad moodaa in habka ololeheena iyo sida aynu hogaamiye ku dooranaba wax ka khaldanyihiin.

Wakhtigan hada la joogo dalka olole ayaa ka jira, waxaana la filayaa inay doorasho qabsoonto bisha March ee sanadkan cusub 2017. Dadku waxay haystaan saddex xisbi/dookh oo ay ka doortaan hogaamiyaha saxdaa. Wakhtigan ololaha ayaa ah wakhtigii saddexda musharax madaxwayneba dadka hor iman lahaayeen ee ay ka dhaadhicin lahaayeen sababta ay ugu qalmaan hogaanka dalka, iyo waxa ay u qaban doonaan dalka hadii la doorto. Musharaxa madaxwayne ee raba inuu qabto hogaanka dalka waa inuu dadka u sheegaa waxa uu ka qabanayo ama uu ka badalayo arimahan hoos ku qoran iyo kuwa kale oo badan:

  •     Nabadgalyadda
  •     Midaynta Dadka
  •     Ictiraaf Raadinta
  •     Abaaraha
  •     Shaqo Abuuridda
  •     Ganacsiga
  •     Sixir Bararka
  •     Cashuuraha
  •     Dhismayaasha Wadooyinka/ Madaarada
  •     Wax Soo Saarka (Warshadaha)
  •     Caafimaadka
  •     Qaad/Balwad Joojinta
  •     Qabiil la Dagaalanka
  •     Xilal aan Qabiil Lagu qaybin (Qalin iyo Waayo Aragnimo lagu Qaybiyo)
  •     Wax Barashada
  •     Tahriibka
  •     Musuqmaasaqa iyo La Soo Noqoshada Kalsoonida Dadka
  •     Tamarta iyo Macdanta
  •     Beeraha/ Xoolo Dhaqatada/ Biyaha
  •     Arimaha Ciidanka/ Booliska
  •     Qurxinta Dalka

Nasiib daro saddexda Xisbiba mid arimahaa iyo kuwa la midkaa ka hadlaa ma jiro. Ololaha kaliya ee wadaka ka socdaa waa mid marba xisbigu la kulmo odayaasha qabiilka ay codka ka doonayaan, iyo inay sadexda xisbi warbaahinta iska caayaan ama iska af-lagaadeeyaan, haba kala badsadeene. Inta aynu sidaa hogaamiye ku dooranayno dalkeenu gaadhi mayo natiijadaynu ka rabnay. Dalkeena arimo badan iyo Mushkiladaa ka jira, waxaana muhiima inaynu ku doorano madaxwaynaheena si ku salaysan wax ka qabadka arimaha bulshada. Xisbiyadeenii haday garanwaayeen siyaasad dhaanta qabiil iyo af-lagaado, shicibka ayay tahay inay saxaan. Warbaahinta iyo Jaamacadaha ayay tahay inay musharixiinta iskugu yeedhaan oo ay wax ka waydiiyaan danta guud ee dadka iyo dalka.

Hadii ololaha iyo doorashadu ay noqoto mid ku salaysan arimaha bulshada iyo danta guud ee wadanka, waynu helaynaa hogaanka saxda ah, Somaliland way guulaysanaysaa, waynanu gaadhaynaa halkaynu hiigsanayno. Gacanteena ayay ku jirtaa iyo Rabbi oo aynu talo saarano.

Mahadsanidin,

Abdillahi Osman Nur

Columbus, Ohio- USA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.