Maraykanka – (warsoor) – Madaxweyne Barack Obama iyo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump ayaa kulan qaatay saacad iyo badh ku yeeshay khamiista Aqalka cad ee Maraykanka looga taliyo, waxaanay ka wadda hadleen xaaladda kala guurka ee awooda lagula kala wareegaayo.
Donald Trump oo dhinac fadhiya madaxweynaha Barack Obama ayaa la hadlay wariyayaasha waxaanu yidhi, “Waxaanu dhab ahaantii ka wadda hadalanay arimo fara badan oo cajiib ah iyo kuwo kale oo aad adag”. Doland Trump ayaa yidhi “Obama waxaa uu sharaxay waxyaalihii ugu waaweyn ee lagu guulaystay”.
Maalinimadii Salaasadda ayaa Donald Trump markii ugu horaysay ee uu fadhiisto xafiis dawladeed. Donald Trump ayaa sheegay inuu rajaynaayo inuu kulmo dheeraad ah la yeelan doono Obama.
Kulankan ugu horeeyey ee ay labadda nin si fool-ka-fool ah u kulmaan oo maanta dhacay ayaa la sheegay in kulankoodan Guriga Cad aanay cid ka mid ah shaqaaluhu aanay goob joog ahayn markii uu dhacaayey.
Obama ayaa siin doona wax kasta oo uu ku caawin karno ninkan ganacsaddaha ah reer New York eek u guulaystay doorashadda madaxweynanimadda Maraykanka, ee hogaanka dalkaas la wareegi doona 20 January 2016. Obama ayaa balan=qaaday inuu kala shaqayn doono sidii loo waajihi lahaan loona midayn lahaa dalka.