Nuxurka khudbadii Lafta Gareen ee furitaanka kalfadhiga baarlamaanka KG

Baydhaba – (warsoor) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta furay kalfadhiga labaad ee golaha wakiillada maamulka Koonfur Galbeed, isagoo khudbadiisa furitaanka uga hadlay dhinacyo kala duwan iyo waxyaabaha u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa xildhibaanada uga warbixiyay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, sida amniga, xureynta degmooyinka, tayeynta iyo tawabarida ciidanka, fulinta howlgalada qorshaysan ee ka dhanka ah Al-shabaab iyo u diyaar garowga furida wadooyinka ay jareen Al-Shabaab.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sidoo kale xildhibaanada warbixin ka siiyey dib u dhiska magaalooyinka iyo hirgelinta mashariic kala duwan, sida biyo gelin, baxnaano, GPLG iyo adeegyo kale oo uu sheegay in laga fulinayo guud ahaan gobollada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in safaradii uu ku tagay degmooyinka Koonfur Galbeed ay ahaayeen kuwo uu ugu kuur-galayey xaaladaha degmooyinka maamulka.

Lafta Gareen ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku guulaystay in degmooyinka qaar laga fuliyo mashariic kala duwan oo bulshada muhiim u ah, kuwaas oo isugu jira waxbarasho, cafimaadka iyo dib u dhiska xarumaha dowladda. isla markaana ay u suurta gashay inay hor mariyaan dhaqaalaha Koonfur Galbeed.

 โ€œArrimaha doorashooyinka heer federaal waxaa laga gaaray heshiis dhab ah, kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa doorashooyinka 2020/2021-ka taas oo ah wado aan la dhaafi karin oo sal iyo tariikh lagu yaqaano ah dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo doorasho dalka u jihaysa wadada hormarkaโ€ ayuu yiri madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay golaha wakiilada Koonfur Galbeed shaqooyinka ay u hayaan shacabka reer Koonfur Galbeed, isagoo si rasmi ah maanta u furay kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulkiisa.