Daahir Geelle oo sharci-darro ku tilmaamay xariga Wariye Cabdullaahi Kulmiye

Muqdisho – (warsoor) – Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliya ayaa sharci-darro ku tilmaamay tallaabada lagu xiray Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo ka tirsan Radio Kulmiye.

Ciidanka Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa habeen hore Wariyaha ku xiray Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay hoygiisa ka wateen. Xariga Wariyaha ayaa yimid, ka dib markii uu wareysi la yeeshay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo taageeray dagaalka Al Shabaab ka waddo dalka.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa qoraal uu soo saaray si kulul uga hadlay dhabaha loo maray xariga Wariyaha iyo in xarigiisa loogu qiil dayo xirfaddiisa shaqo.

Qoraalka Daahir Maxamuud Geelle ayaa u qornaa sidatan:-

“Xorriyad ka xayuubinta muwaadinka xeer ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga yaalay.Xirfadle in xirfaddiisa lugu xiro sidoo kale waxay ehayd xaaraan aan xeer baneynayaa jirin mid xarrimaya mooyee.”

“Dhaqanka dowladinimada waxaa ka mid ah in xeerarka la raaco lana dabaqo. Guri iskugu daadashada, albaab isku jebinta iyo isku guurayntuna waa dhaqamada lugu yaqaano jabhadaha, waxayna suurad xumeynaysaa dowladnimada. Xukuumadda Madaxwayne Farmaajo xeerarka dalka ma xeeriso, waxaa jira dhacdooyin taxane ah oo ka dhan ah sharafka dowladnimida iyo xeerarka dalka.”

“Falka Wariye Cabdullaahi Kulmiye oo gurigiisa ay ugu dhaceen ciidamo, xilli habeen ah waa fal lid ku ah sharciga dalka oo u baahan in la saxo, lagana dhiidhiyo.”

“Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed qodobkiisa 44aad, faqradiisa 3aad wuxuu xarrimayaa 6da maqribnimo illaa 7da subaxnimo in waaran xarig ah loo geeyo muwaadin, iskabadaa in gurigiisa loo dhaco saq-dhexe, ayadoon la wadan wax waaran ah.”

“Dowladdu waa dowladdeenii maahan jabhad na haysata, dowladdu waxay haysataa sharciyad ay dadka ku xirto, kuna xeer-mariso, maxay tahay waxa dowladda ku khasbayaa in ay tuugeysato, oo ay saq-dhexe dadka albaabada ku jebiso?”

“Waxaan ku baaqayaa in Wariye Cabdullaahi Kulmiye si deg deg ah xorriyaddiisa loo siiyaa, haddii dembi lagu tuhmaa loo maro hab sharci ah, ciddii falkaas gaysatayna sharciga la marsiiyo.”