Nidaamkii Dhaqaale Ee Islaamka Iyo Dooda Maanta Taagan W/Q:-Dhaqaalayahan C/rashiid Axmed Guuleed

Mabda’a aasaasiga ah ee nidaamka maaliyadeed ee Islaamka waxa soo koobtay aayada 2:275 ee ku jirta Suuratul Baqara. Aayaddaasi tafsiirkeeda cidkastaa waxay ugu tegi kartaa halkay ku jirto islamarkaana waxay dhegeysan kartaa sheekhii kasta, sheekhaasi ama carab ha ahaado ama cajami ka ahaado. Quraankuna waa sharciga kama danbaysta ah ee cid kastoo Muslim ahi loo baahan yahay inay u hogaansanto.

Si kooban hadaan uga hadlo qayb kamida tafsiirka aayadan oo ah qaybta qusaysa qoraalkaygan waxay aayadu sheegaysaa “…….. Ilaahay (SWT) wax-kala iibsiga wuu baneeyey ribadana wuu xaraantimeeyey …..”.

Hadaba maxay tahay ribadu baycuna muxuu yahay weeyaan su’aashu. Jawaabtu waxay tahay siday isku waafaqsan yihiin culimada iyo dhaqaaleyahana Islaamku: ribadu waa lacag lakala iibsado, baycuna ama waxkala iibsiguna waa badeecado aan lacag ahayn oo lakala iibsado. Nidaamyada kala duwan ee dhaqaalaha hanoqoto nidaamka raasamaaliga ama ka shuuciyada ama ka Islaamka, lacag waxa lagu qeexaa aalada sahasha wax-kala iibsiga afka Ingiriisigana waxaa lagu yidhaa “means of exchange”. Lacagtu markaa waa “means” kii ama wasiila xaga af Carabiga hadii loo kaco. Markaa raasamaaligu wuxuu ku leeyahay lacagtu iyadoo “means” kii ah ayaad hadana ka dhigi kartaa badeecad qiimo leh oo lakala iibsan karo, qiimaheeduna yahay ribada ama “interest”. Islaamkuna wuxuu leeyahay maya, lacagi waa “wasiila” kamana bixi karto macnahaasi loomana samaynkaro qiimo iyada u madax banaan. Tusaale ahaan bankiga ribadu wuxuu kaa iibinayaa lacag shilin iyo doolar kay doonto ha ahaato, bankiga Islaamiga ahina wuxuu kaa iibinayaa alaab. Bankiyada ribadu siday ushaqeeyaan waxaa tusaale inoogu filan bankigii ganacsiga ee nidaamkii Siyaad Barre oo ganacsata amaah siin jiray.

Bankigaasi markaad amaahda qaadanayso lacag kaash ah ayuu kuu tirin jiray. Markaa lacag buu iibin jiray ayay ka dhigantahay. Banki kaloo dhan oo ribona waa caynkaas meeshuu doono adduunka haka jiree. Lacag buu kaa iibinayaa, qofka lacagta amaahday ayaana u madax banaan inuu wuxuu doono lacagtaas ku qabsado. Adigoo heshiiska amaahda ku galay inaad bariis soo dejiso ayaa marka lacagta akoonkaaga laguugu shubo aad gawaadhi soo iibsan kartaa.

Bankiga Islaamiga ahi sidaasi aad buu uga duwan yahay maadaama uu alaab kaa iibinayo ee aanu lacag kaa iibinahayn. Markaa haddii aad bariis soo iibsanayso bankiga Islaamiga ahi lacag toosa kuma siinayo ee lacagta bariiska ayuu ushubayaa ciddii aad bariiska ka iibsanaysay. Markaa risiidhka Hindiga bariiska iibinayaa wuxuu kusoo qorayaa magaca bankiga maalgelinta bixiyay. Bariiskuna ilaa bakhaarka iibsadaha kasoo gaadhayo waa hanta uu bankigu leeyahay. Marka uu bakhaarka iibsadaha soo gaadho ayuu bariisku noqonayaa mid ku wareegay ganacsadihii bankiga Islaamiga ah lacagta ka amaahday.Intaa aan sheegayna waa inta ay maalinwalwalba fuliyaan dhawrka banki ee nidaamka Islaamka ku shaqeeya ee ku yaala Somaliland.

Intaa kadib waxa jira dhawr nooc oo ah qaababka waxkala iibsiga ama maalgelineed oo ay u shaqeeyaan baananka nidaamka Islaamka waafaqsani, noocyadaasi oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo “financial products” ama “financial transactions” oo ay yaqaaniin ardayda ama macalimiinta dhaqaaluhu ama accounting ku. Ciddii aanay u caddayn erayaddaasina waxba yayka boodin ee markay dayn baanki u baahdaan ayay xeel dheerayasha cilmigan way diin karaan.

Suaasha kale een jeclaa inaan soo dhigo ayaa ah Somaliland kasokow xagay ka jiraan bankiyo ku shaqeeya nidaamka dhaqaale ee Islaamka? Jawaabtuna way fududahay oo bankiyada nidaamka Islaamku caalamka wadamada waawayn oo dhan bay ka jiraan, wadamadaasi ha ahaadaan qaar Muslimiintu u badan yihin ama ha ahaadaan kuwo kale, min Malaysia ilaa Maraykanka ilaa wadamo badan oo Afrikaan ah. Nidaamka dhaqaale ee Islaamku Muslim iyo masiixiba waa laysku raacay.
Bankiyada nidaamka Islaamku maaha kuwo unugul aafaadka dhaqaale “financial crisis” yada adduunka ka dhaca min waqti ilaa waqti ee ay keenaan ganacsada fikirka mala’awaalka ku dhaqdhaqaajiya xarumaha ama suuqyada dhaqaale ee adduunka sida New York Exchange. Waxa kaloo xaqiiqa ah in bankiyada ku shaqeeya nidaamka dhaqaale ee Islaamku ay inta badan xawli sare ku kobcayaan iyadoo bulshada caalamku ay maalinba maalinta kasii danbaysa fahamkooda nidaamka dhaqaale ee Islaamku uu soo xoogaysano marka laga reebo bulshooyinka uu ku dhacay cudurka loo yaqaano “Islamophobia” ama shaki laga qabo dadka Muslimiinta ah. Waxa kaloo jirta in isticmaalka bankiyada nidaamka Islaamku uu yareeyo mishkilada sicir bararka halka kuwa ku shaqeeya ribadu ay kordhiyaan sicir bararka.
Haddaan usoo noqono gudaha Somaliland, waxaan odhan karaa waxaynu meel marinay dastuurkii ugu wanagsanaa wadamada calaamka Islaamka marka laga eego dhinaca nidaamka dhaqaalaha. Dastuurka Somaliland waa dastuurka qudha ee si cad u qeexaya ribadu inay reeban tahay. Ilaahay (SWT) mahadi haka gaadho. Waxa kaloo mahadsan halyeeyadii ka shaqeeyey dastuurka qoristiisa iyo dhaqangelintiisaba. Bulshada reer Somaliland ee dastuurkaasi isku raacdayna cid aan Ilaahay (SWT) ahayn kumay raaligelinahayn cid kalena magac kagamay doonahayn. Jiilka cusub ee reer Somaliland na waxa laga rabaa inay halkaasi kasii qaadaan oo ay keenaan waxyaabo dadkiyo dalkaba anfacaya. Looma baahna inaan dib unoqono oo maanta aan ka doodno ribada maw baahanay mise uma baahnin.
Dadka ku doodaya Sacuudigay ka jiraan bankiyo ribo ku shaqeeyaa waxaan leeyahay Diintu maaha sida ay ufuliyaan wadamo gaar ahi ee waa sida ay kutubta ugu qoran tahay ee ay isku raaceen casri kasta culimada joogtaa. Haddaynu inagu Sacuudiga khayrka qaarkii kaga horayno maaha inaan nidhaa Sacuudigaa sidaasa. Inaba waxyaabo aynu ku qaldnahay oo dhaqanka Islaamka garab marsan ayaa jira oo ay Sacuudigu inagaga fiican yihiin. Doodaasina waa mid ka baxsan mawduucan aan ka hadlayno.
Waxa yimi siday u dhaqmaan bankiyada maanta Somaliland ka jiraa. Sidaan xogta ku hayo waxaa wadanka maanta ka jira ilaa sadddex banki oo waafaqsan nidaamka dhaqaale ee Islaamka. Maxaa lagu dhaliilayaa? Intaan la socdo waxa lagu dhaliilayaa faaiidada ay saaraan waxsoo iibinta ayaa xad dhaafa oo qaaliya. Intaa waxa ii raacda oo dhaliila inay ku shaqeeyaan hal “financial product” oo keliya kaasoo ah Murabaha, oo weli may hirgelin nidaamyada ay ka midka yihiin “mushaaraka” ama “Mudaaraba” iyo qaar kaloo badan. kuwaasi oo haddii ay fulin lahaayeen sababi lahaa in lasameeyo maalgelin intan kabadan oo waxbadan katari lahaa dhinaca horumarka dhaqaalaha dalka.
Waxa loo baahan yahay in arrinkaasi loo kuurgalo oo loo saaro koox dhaqaaleyahano ah oo arintaasi u kuurgala oo daraasad ku sameeya faaiidada ay bankiyadeenu qaataan intee inleeg bay ka badan yihiin “rate”ka ama faaiidada ay qaataan kuwa lamidka ah ee wadamada kale ka jiraa. Haddiiba ay jirto in faaiidada bankiyada maanta dalka ka jiraa qaataan ay sarayso sidee loo sixi karaa baa meesha taala.
Hadaba xalku kuma jiro in laynoo keeno bankiyo ribo ku shaqaynaya oo laynoosoo waarido. Ciddii reer Somaliland ah ee dhaliilaysa faaido qaaliya oo ay kuwa jiraa qaadayaan waxaa u banaan inay furtaan kuwo kale oo waafaqsan dasturka dalka u yaala. Yaa sidaa udiiday? Ma jirto cid u diidi kartaa. loomana baahna in layiraa shaqo banki ayay faaiido ku jirtaaye cidwalayba baan ku carar. Dawladu waa inay xadidaa inta banki ee dheeraada ee suuqa Somaliland uu qaadi karayo si aanay isu darjabin badhaysina ayaanay u noqon ganacsiga bankiyadu.
Alla Mahadleh
W/Q:-Dhaqaalayahan C/rashiid Axmed Guuleed

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap