Murti somaaliyeed yaa tidhaahda, “ Dan Buu Reer Guuraa”, hadaanu ahayn kuwii shalay midnimada doortay  ee isku darkii labada dal ka danbeeyey, maanta waxaanu door bidnay in aanu noqono dal gaar ah

Fariintan xikkmada badan ku duugantahay, waxa ay ka mid ahayd khudbadii dhaxal galka ahayd ee uu maanta jeediyey, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud, Ahmed Mohamed Mohamuud  siilaany, waa fariin ku socota dalka aynu jaarka nahay ee somaliya, taas oo uu madaxweynuhu ugu cadaynayo go’aanka shacabka jamhuuriyada somaliland ee ay ku go’aansadeen, inay dib ula soo noqdaan madaxbanaanidoodii iyo xiriyadii lixdankii, isla markaana uu ku darensiinayey, madaxda somaliya in shacab reer somaliland ay iska ilaaween, midnimadii somaliwayn ee lagu hungoobay.

Dadka reer somaliland waa shacab isku duuban oo markasta dareenkooda iyo doonistoodaba ku muujiya isku duubni, waxay ahayd 1960kii markii ay somaliland xoriyadeeda ka qaadatay  gumaystihii ingiriiska, afar cisho ka dib shacabka reer somaliland oo midaysan ayaa waxa ay la midoobeen somaliyadii koonfureed oo iyana markaas xoriyada ka qaadanaysay talyaaniga.

Doonista shacabka reer somaliland ayaa wakhtigaa ahaa in la mideeyo Somali oo dhan, si loo abuuro jamhiiriyada balaadhan oo soomaaliyeed, midowgana laga bilaaba somalland iyo somaliya oo arkaa xorida qaatay.

Ka midho dhalinta Riyaadaaasi ay u dhamaayeen dadka reer somaliland  ee ay u sadqeeyeen madaxbanaanidoodii waxa ay noqotay mid ay si dhaba ula fahmi waayeen dadkii reer somaliya ee ay gobonimada iyo somalinimada ula tageen.

Somaliland shacabkeedu waxa ay kala kulmeen midowgaasi dhabaato fara badan, iyo waxa aanay marnaba filayn, tacadigii ugu badnaana waxa u gaystay kaligii taliyihii siyaad bare ee madaxweynaha ka ahaa dawladii laisku odhan jiraya somaliya.

Halgan dheer oo socday taban sanadood ka dib sanadku marku ahaa 1991kii aya shacabka reer somaliland go’aansaddeen inay dib ula soo noqdaan xoriyadoodii iy madaxbanaanidoodii ay lumiyeen 1960kii.

Wixii intaa ka danbeeyey  waxa ay somaliland ku talaabsatay horumar baaxad leh oo wax ku ool ah isl barkaana ay mahadiyeen dhamaan shacabka reer somaliland.

Guntii iyo gunaanadkiina waxaan hablayo u dirayaa dhamaan shacabka reer somaliland gudo iyo dibadba, iyo qaybaha kala duwan ee ciidamada jamhuuriyada somaliland .

Sidoo kale madaxweynaha somaliland ahmed maohamed siilaanyo ayaan ku bogaadinayaa khudbadii qiimaha lahayd ee uu ka jeediyey xuska sanad guurdaii 25aad ee kasoo wareegtay malintii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada badaxbanaanida jamhuuriyada somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.