Murashixiin Xisbiga KULMIYE Uga Sharaxan Golaha Wakiillada Gobolka Maroodi-Jeex Oo Soo Dhawayn Loo Sameeyay

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Munaasibada soo dhawaynta ayaa waxa hadalo ka jeediyay qaar ka mida madax dhaqameedka gobolada Maroodi-jeex iyo Hawd, kuwaas oo sheegay inay soo dhawaynayaan murashixiintaas, isla markaana ay kaalin ka qaadan doonaan sidii murashixiintaas ugu soo bixi lahaayeen doorashooyinka isku sidkan ee dhawaan dalka ka qabsoomi doona.

Xildhibaan Axmed Maxamed Kijaandhe oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland oo isna halkaas hadal ka jeediyay ayaa u soo jeediyay murashixiintaas in haddii ay ku soo baxaan goleyaashaas ay u sharaxan yihiin ay ka shaqeeyaan dajinta xeerar qaranka wax tara, isla markaana ay ka ku dadaalaan horumarinta danaha degaanada ay goleyaashaas ku matali doonaan.

Ugu dambayn Cabdiqaadir Iimaan Warasame, oo u taagan doorashada golaha degaanka ee Caasimada Hargeysa, Yuusuf-xarriir Xirsi Adari wakiilada Maroodi-jeex iyo Khaalid Sheekh Xuseen oo ka sharaxan gobolka Hawd ayaa u mahadceliyay cidkasta oo qayb ka ahayd munaasibadaas soo dhawaynta ah ee loo sameeyay, waxaanay ballanq qaadeen haddii ku guuleystaan kuraasta goleyaashaas ay u tartamayaan in ay masuuliyada saaran u gudan doonaan si xil kasnimo leh.