Dawladda Imaaraadka Carabta oo kasoo jawaabtay Codsi Xukuumaddu u Dirtay

BERBERA – (WARSOOR) – Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa deeq raashin ah ka koobaan shan iyo soddon tan soo gaadhsiisay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Safiirka dawladda Imaaraadka u fadhiya magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland, Danjire Abdulla Alnaqbi ayaa sheegay in xilliga oo ay soo gelayso bisha barakaysan ee ramaadaan ay garteen in deeqdan ay soo gaadhsiiyaan xukuumadda si loo gaadhsiiya dadka danyarta ee aan haysan awood ay raashin ku iibsadaan.

Guddoomiyaha ha’yadda u diyaar garowyga afooyinka iyo kaydka raashinka , Faysal Cali Sheekh oo ka guddoomay dawladda imaaraadka kaalmadan ayaa sheegay in dawladda imaaraadka ay Somaliland la tahay saaxiib dhaw islamarkaana ay deeqada sida uga haboon u gaadhsiinayaan dadka danyarta ah .

Faysal Cali sheekh ayaa sheegay in kaalmadan ay ku timid codsi ay ha’yadda afooyinka iyo kaydka raashinku u gudbisay xukuumadda Imaaraadka, waxaanu xusay in dalka ay ka jiraa abaaro ba’an

“dalka waxa ka jira abaaro ba’an oo dhul faro badan ayey baahi ka jirtaa oo dad badan ayey haysaa , kaalmadan waa mid koobaan oo shan iyo soddon tan ah waxaanan gaadhsiin doona dadka baahan haddii alle idmo ” ayuu yidhi