Murashaxa Xisbiga WADDANI Oo Tacsi U Diray Eheladii Iyo Qarabadii Uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Biixi Calin (Ooto Biixi)

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa MadaxweynahaXisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo  taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee kala jooga gudaha  iyo dibadda dalka,  wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo maanta 5/06/2017. ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, wuxu  sidoo  kale  tacsi u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, qoyskii iyo caruurtii uu ka baxay marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto)  isagoo ku sifeeyey Marxuumka  inuu ahaa Mujaahid ka soo qayb-qaatay halgenkii dib u xorreynta dalka iyo dib u heshiisiintii –beelaha Somaliland,

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro wuxuu tilmaamay inuu Marxuum Ooto Biixi Caalin ahaa shakhs helyey qaran oo la tebi doono.

Inaa Lillaahi Waa Inaa Ilayhi Raajicuun..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.