Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo noqday Murrashaxii ugu Horeeyay ee Bulshada Gobolka Togdheer kala qaybqaatay Gurmadka Shuban Biyoodka Safar Gurmadna ku Jooga Burco

Burco – (warsoor) – Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga isla markaasna ay wehelinayaan Wasiiro ka tirsan Xukumada xisbiga KULMIYE ayaa socdaal ku gaadhay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Weftigani oo goordhawayd gaadhay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa ujeedadoodu tahay sidii gurmad Qaran oo loo dhan yahay looga gaysan lahaa cudurka shuban biyoodka oo ka dhawaan ka dilaacay magaalada Burco.

Xubnaha Wasiirada ah ee Socdaalka ku wehelinaya Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacad Cali Shire , Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan , Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habbane.

Sidoo kale Waxaa Weftigani ka mid ah Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Muumin Seed.

Weftigan ayaa noqonaya kii ugu miisaanka cuslaa ee gurmad ahaan ugu baxa Gobolka togdheer oo ay wakhtigan ka jirto Xaalad werwer oo ku saabsan Cudurka Shuban biyoodka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.