Murashaxa Xisbiga WADDANI Oo Kulan La Yeeshay Baarlamaanka Dalka Sweden

Stokhlom – (warsoor) – Murashaxa Xisbiga WADDANI ee jagada Madaxweynaha Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo waftigii uu hoggaaminayay ayaa kulan la qaatay Baarlamanaka Dalka Sweden .

Kulankan oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka Sweden wuxuu Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa taas oo ay ugu weynayd xaalada abaaraha ku habsaday Dalka Somaliland iyo doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland.

Xubnaha Baarlamaanka Sweden ee Waftiga kulanka la yeeshay waxay sheegeen inay Xukuumadda Dalka Sweden u gudbin doonaan qaylo dhaanta abaarta ay Waftiga Guddoomiyuhu uga warameen kuna dabo gali doonaan. Sidoo kale waxay sheegeen inay Somaliland oo ahayd waddan Dimuquraadiyadda lagu tilmaansado wax lagu xumaado ay tagay doorasho la’aanta iyo muddo kordhinta xadhkaha goosatay ee Somaliland caadada ka noqotay sannadihii u danbeeyay. Iyagoo u Waftiga Murashaxa Xisbiga WADDANI ku adkeeyay inay Somaliland ku dadaasho qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhinaca xubnaha wehelinaayay Murashaxa Xisbiga WADDANI ayaa iyaguna ka hadlay arrimo ku saabsan doorashooyinka. Kulaasi markii uu dhammaaday waxa martiqaad qado ah u sameeyay xubnaha Waftiga uu hoggaaminaayo Murashaxa XISBIGA WADDANI xubnihii Baarlamanka Sweden ee ay kulanka la qaateen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.