Murashaxa WADDANI oo Kulamo uu La Qaatay Madax Ka Tirsan Dawladaha Carabta iyo Qaramada-Middoobay

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo muddooyinkii dambe ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa marti qaad rasmi ah iyo casuumad sharafeed uu ka helay guddoomiyaha hay’adda sama-falka ee loo yaqaano Seyed International Foundation Prof. Dr. Mohammad  Ahmed Bin Fahad, waxa uu kula kulmay madax sar sare oo ka socday dawladda Imaaraadka Carabta iyo weli ba sida oo kale saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku wehelinaayey casuumadda loo sameeyey Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

unnamed-2

Kulankan oo ahaa mid si gaara looggu marti-qaaday Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI, ayaa wufuuda ku wehelinaayey casuumad sharafeeda oo ka kala socday dalal badan oo dunida ah, wuxu ugu horreyn kala hadlay dhibbaatada ay abaartu ku hayso Somaliland iyo siddii kaalmo deg-dag ah loo soo gaadhsiin lahaa deegaanada ay ka jirto abaarta ba’ani, sida oo kale na ay ka dawlad ahaan ka caawiyaan siddii ay Somaliland xal waara ugu heli lahayd ka hortagga abaaraha mudada dheer ku soo noq-noqonaayey Somaliland.

Waxa kale oo uu guddoomiyahu uu kala hadlay madaxda Carbeed ee uu la kulmay siddii loo xoojin lahaa isla mar ahaantaana loo sii kobcin lahaa xidhiidhka Ganacsi, Dhaqan-dhaqaale iyo Saaxiibtinimo ee Somaliland iyo dawladaha UAE, sida oo kale na ay Somaliland uga la shaqeyn lahaayeen siddii ay aqoonsi caalami ah uga heli lahayd beesha Caalamka.

Ugu dambeyna Murashaxa Xisbiga WADDANI, waxa uu kulamo gaar gaara uu iyaga na la qaatay ganacsato Carbeed iyo kuwo kale oo ka soo jeeda Somaliland, kuwaas oo iyaga na uu dhankooda ka codsaday siddii gurmad abaareed oo deg-dag ah uga ga qeyb-qaadan lahaayeen abaaraha baahsan eek a jira deegaanada Somaliland oo saameeyey dad iyo duunya ba, waxaana uu u sheegay in dadkaasi ay u baahan yihiin gargaar deg-dag ah oo la soo gaadho baad iyo biyo ba, si loo maareeyo noloshooda oo xaalad adag ku jirta wakhti xaadirkan.

unnamed-1 unnamed-3 unnamed

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.