Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Xukuumadda iyo KULMIYE Ku Canaantay in Baaqii Qeylo-dhaanta Abaarahu Aanu Weli Gaadhin Beesha Caalamka

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si adag Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ba ugu dhaliilay in dhawaaqoodii qeylo-dhaanta abaaraha Somaliland aanu ilaa hada gaadhin beesha caalamka, waxaana uu tilmaamay in uu yar yahay gurmad ka loo fidinaayo dadka la dhibbaateysan abaaraha isaga oo sida oo kale na carabka ku dhuftay in shacabka Somaliland ay abaaraha u weheliyaan sicir-barar iyo dhoofkii xoolaha oo la joojiyey, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in sababeen in Somaliland ay wakhti xaadirkan ku jirto xaalad aad u adag.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu khudbad dheer oo dhinacyo badan ka jeediyey xaflad Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayey haweenkii ku suntanaa guushii 2010kii uu Xisbiga KULMIYE ka soo hooyey gobalka Maroodi-jeex, waxaana  ugu horeyn si aada u soo dhaweeyey haweenka ku soo biiray

“Aniga oo aad ugu faraxsan waxa aan soo dhaweynayaa siyaasiyiinta haweenka ah ee ka midka ahaa madaxdii iyo aas aaseyaashii Xisbiga KULMIYE sida oo kale na ka mid ahaa dadkii dhaliyey guushii uu gaadhay KULMIYE 2010kii ee iyagu maanta go’aansaday in ay ka soo baxaan oo ay ka soo guuraan oo ay cududooda iyo xirfaddooda siyaasaddeed iyo weli ba waayo aragnimaddooda ba ay ku biiriyaan Xisbiga WADDANI oo isha Allah noqon doona Xisbiga ku guuleysanaaya Doorashada soo socota. Waxa aan lee yahay hablahaas iyo garabka dhallinyarada ee la socday ba waxa aanu idin ku soo dhaweynaynaa gacmo furan iyo qalbi furan ee soo dhawaada, soo dhawaada”, ayuu yidhi Dr.Cirro

Dr. Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi, “Waxa aan idiin xaqiijinayaa in aan Xisbiga la kala lahayn, in xubnaha Xisbiga kuwii aas aasay iyo kuwii intii uu jiray ku soo biiray ba iyo idinka oo maanta ku soo biiray ba aan la kala lahayn oo waxa aad halkan ka arkeysaan xubno badan oo ku soo biiray dhawaan se hada ka mid ah xubnaha ugu sareeya Xisbiga rag iyo dumar ba”.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa uu si aada uga hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo sida ay ka Xisbiyo mucaarad ahaan u la damqadeen dadka la dhibaateysan abaaraha isaga oo carabka ku dhuftay in gurmadka loo fidinaayo dadka abaarahu haleen uu kala muhiimsan yahay in ay u diyaar garoobaan Doorasho iyo qeybinta kaadhadhkii codbixinta.

“Waxa shacabkeena Somaliland haysta dhibbaatooyin is barkan, dhibbaatada koowaad waa Abaar Soomareebto ah, waxaana la sheegay in ay taariikhd ahayd abaartii ugu xumeyd boqolkii sanadood ee soo socday markaa abaartaas waxa aanu ku qanacnay in shacabka aanu dooneyno in aanu madax u noqono ee aanu codka Doorashada ka dooneynaa in aanay suurto-gal ahayn iyaga oo xaaladdaas ku jira oo bari iyo galbeed ba ka qaxay oo Somaliland dhaafay oo puntland tagay oo Itoobiya galay oo bari ka soo guuray oo galbeed tagay aanay suurto-gal ahayn in aynu u qeybino kaadhadhkii codbixinta Doorashada iyo in ay Doorasho qabsoonto midna, waxa Ilaahay mahaddii ah in labada Xisbi mucaarad ba ay soo jeediyeen in aan doorashadu suurto-gal ahayn, waxa aan madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo aan uga mahad-naqayaa in uu ku raacay Axsaabta siyaasiga ah ee mucaaradkaa in aanay Doorashadu suurto-gal ahayn 28ka March 2017ka. Isha Allah Alle waxa aynu ka baryeynaa in uu abaarta inaga soo jebiyo oo uu roob khayr qaba inoo keeno, Doorashada na waxa aynu la sugeynaa marka uu roobku inoo da’o Isha Allahu “, ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha WADDANI, waxa kale oo uu sheegay in ka asxaab Mucaarad ahaan ay soo jeediyeen in muddo Lix bilood ah ay u arkeen in lagu qaban karo Doorashada isla mar ahaantaana ay soo jeedintaas u gudbiyeen cid kasta oo ay khuseyso, waxaana uu yidhi, “Sida aad wada ogeydeen axsaabta mucaaradku waxa ay soo jeediyeen lix bilood oo aanu ku qiyaasnay mudada ugu yar ee laga ga bixi karo xaaladda abaarta, waxaana aanu rajeynaynaa haddii aan ra’yi ka wanaagsan la keenin in kaa la qaato haddii Alle ka dhigo”.

Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu si aada uga hadlay sicir-bararka iyo dhoofkii xoolaha ee la joojiyey isaga oo sheegay in labadaas arin ba ay xaalad dhibbaato oo aad u weyn ay ku abuurtay shacabka Somaliland isla mar ahaantaana dalku gurmad u baahan yahay.

“Waxa kale oo shacabiga reer Somaliland haysata dhibbaato kale oon ka sahlayneyn ama ka culus ba abaarta oo ah sicir-bararka kaas oo taabtay nolosha qof kasta oo reer Somaliland ah oo kii boqolka dollar loo soo diraayey maanta Konton buu noqday qiimahiisii oo halka dollar wuxu qiimahiisii marayaa Sagaal kun oo shilinka Somaliland ah halka ay Xukuumaddu ugu timi markii hore 6500Sl/Shilling ah, markaa xaaladdan waxa iskugu biirtay shacabka abaar iyo sicir-barar aan naxariis lahayn, waxa kale oo sii cusleeyey iyada oo la joojiyey dhoofkii xoolaha oo ahaa laf dhabartii dhaqaalaha dalka ama nolosheena, sidaas daraadeed hore na waanu ugu baaqnay hada na waanu ku baaqeynaa oo waanu cusbooneysiinayaa baaqaas oo dhammaan shacbiga, Xukuumadda iyo beesha Caalamka ba”, ayuu yidhi Cirro

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu xukuumadda ku dhaliilay in qeylo-dhaanteedii abaarahu aanay siddii la rabay u gaadhin beesha caalamka isla mar ahaantaana uu baaq qeylo-dhaan ah u diraayo shacabka Somaliland, xukuumadda iyo beesha Caalamka ba in ay si deg-dag ah ugu soo gurmadaan dadka abaarahu haleeleen, waxaana uu yidhi, “Waxa aan u soo jeedinayaa in shacbiga reer Somaliland loo soo gurmado, loo soo gurmado oo loo soo gurmado, waxa ay u eeg tahay in qeylada Xukuumadda KULMIYE ay aad u hooseyso, baaqii weli caalamku ma maqal, ma gaadhin, waxa aanu u sheegeynaa in baaqeeda iyo qeyladdeed ba ay kor u qaado, waxaana si gaara ugu soo jeedinayaa kana codsanayaa taageerayaasha Xisbiga WADDANI in aynu ka qeyb-qaadano gurmadka iyo taakulada shacbiga abaartu ha la keysay inaga oo u fureyna sanduuq oo qof kastaana uu ku soo rido wixii uu awoodo, garabka dhallinyaradu waxa uu furay sanduuq, kaa iyo kuwii kale ee Xisbigu lee yahay ba waxa aanu jecel nahay  in lagu soo ururiyo wixii taburacaad ah ee lacag ah, sida oo kale waxa aynu ururin karnaa taburacaad aan lacag ahayn oo dadku wax walba waa ay u baahan yihiin Hu’ bay u baahan yihiin, maryo ayey u baahan yihiin, dawo ayey u baahan yihiin, waxa kasta way u baahan yihiin oo bani Aadamku u baahan yahay sidaas awgeed waa in aynu ka qeyb-qaadanaa gurmadka abaarta”.

Halkan ka daawo Khudbadda Cabdiraxmaan Cirro:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.