Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland iyo Umadda Islaamka ah ba ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciida

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI ahna  guddoomiyaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha Xisbigaasi ee gudo iyo dibad ba,  ayaa waxa uu hambalyo iyo boggaadin u dirayaa guud ahaan umadda Islaamka iyo weli ba shacabka Somaliland isaga oo ugu hambalyeynaaya munaasibadda Ciidul Udxaa  oo ku beegan maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay Dul-Xij/1438 Hijriya.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa sida oo kale uu si gaara hambalyo uu ugu dirayaa ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, xaasaskooda iyo caruurtooda iyo weli ba sida oo kale shaqaale-weynaha iyo guud ahaan ba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan gudo iyo dibad ba, waxa kale oo uu fariin hambalyo ah uu gaadhsiinayaa taageerayaasha baaxadda weyn ee Xisbiga WADDANI ee kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba iyada oo uu dhammaantood ba u rajeeyey in Alle uu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo, horumar iyo Ictiraaf ay Somaliland ka hesho beesha caalamka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu guud ahaan umadda Islaamka ah iyo reer Somaliland ba uu Alle uga baryayaa adkeynta midnimadooda iyada oo uu Eebe ka baryey in uu caafimaad sareecan ah uu siiyo inta xanuunsanaysa sida oo kale na uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo intii dhimatay.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.