Mudane Madaxweyne, Fadlan iga reeb Shaqaalaha laga Mamnuucay Ololaha Xisbiyada, Waayo….”

Hargeysa – (warsoor) – Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan ayaa Madaxweynaha Somaliland ka codsaday in uu isaga ka reebo shaqaalaha Dawladda ee laga mamnuucay inay ku dhex milmaan loollanka xisbiyada qaranka xilliga uu socdo ololaha Doorashada Madaxtooyada ee dhowaan dalka ka qabsoomaysa.

“Mudane Madaxweyne, waxaan si asluub leh, oo qaddarin leh, oo ixtiraam leh kaaga codsanayaa inaad aniga iga reebto shaqaalaha dawladda ee laga mamnuucay inay ku dhex milmaan loollanka xisbiyada qaranka oo ay qayb ka noqdaan ololaha Doorashada Madaxtooyada. Mudane Madaxweyne, waxaan ku xusuusinayaa in aad aniga oo ah macallin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada 2007dii aad ii magacwday Xoghayaha Garabka Dhallinyarada Xisbiga KULMIYE, cid mushaharka iga jartay iyo cid igala hadashay toonna ma jirin, maantana, Madaxweyne, waxaan rabaa in aan dhexda u xidho sidii aan Muj. Muuse Biixi Cabdi ugu hubsan lahaa kursiga ugu sarreeya dalka. Billaahi Calayk, mudane madaxweyne fadlan ha igu darin liiska shaqaalaha ee ololaha laga mamnuucay” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, Md. Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan.

Md. Xaaji Xasan oo habeen hore ka hadlayay kulan lagu soo bandhigay Waxqabadkii Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee 7dii sanno ee la soo dhafay iyo qorshaha waxqabad ee Xisbiga Kulmiye 2017-2022, waxa uu sidoo kale ka warramay waxqabadyadii dhinaca Waxbarashada ee ay Xukuumadda Siilaanyo ee Xisbiga KULMIYE ku guulaysatay inay hirgaliso muddadii ay dalka ka talinaysay.

“Muddadii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka hayay, guulo badan oo wax-ku-ool ah ayay Xukuumaddiisu ka soo hoysay dhinaca Waxbarashada. Waxbarashada waxa la gaadhsiiyay deegaan kasta oo dalka ka mid ah, miyi iyo magaalo ba. Waxa lacag-la’aan laga dhigay waxbarashada aasaasiga ah si uu muwaaddin kasta u awoodi karo xaqa uu u leeyahay waxbarashada. Waxa la dibuhabayn ballaadhan lagu sameeyay manhajkii dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, iyada oo markii ugu horraysay la soo daabacay buugaagtii manhajka oo aanay hay’ado shisheeye innaga caawinayn, laakiin aynnu innagu samaysannay. Waxa la sameeyay siyaasaddii Waxbarashada Qaranka oo iminka Golaha Wasiirrada hor taalla. Waxa iminka la dhammaystirayaa dugsi weyn oo tababarka macallimiinta ah. Waxa 4 ilaa 5 jeer kordhay ardayda dugsiyada hoose, dhexe iyo sare iyo kuwa jaamacadaha dalka wax ka barta. Ma tirin karo oo waxqabadkaasi waa mid aydun isaga oo qoran iyo isaga oo maqal/muuqaal ahba heli kartaan. Wixii qabyo ah ee jirta ee Waxbarashadeenna ku saabsan waxa wax-ka-qabashadooda lagu xusay Barnaamijka Xisbiga Kulmiye 2017-2022. Barnaamijkaas uu hoggaaminayo Muj. Muuse Biixi Cabdi ayaan ku rejo-weynahay in waxyaabo badan oo aydun tebaysaan wax lagaga qaban doono” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan, Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

Afhayeenku waxa uu hoosta ka xarriiqay guulo iyo waxqabad dhinaca waxbarashada ah, kuwaas oo uu sheegay inay taariikhda Madaxweynaha baal dahab ka gali doonaan.

“Waxaan si gaar ah u xusayaa in magaalada Hargeysa ay 2010kii lahayd 10 Dugsi-sare oo Dawli ah, maanta (2017) waxay leedahay 12 Dugsi-sare. Waxa muddadii Xukuumadda Siilaanyo talada haysay ay soo kordhisay dugsiyada sare ee Quulle Aadan iyo Suldaan Maxamed. Waa waxqabad mudnaan leh oo taariikhda u galaya Madaxweyne Siilaanyo. Anigana, waxa sharaf weyn ii ah in aan labadaa dugsi ba aasaaskoodii kaalin weyn ku lahaa oo aan labadaba ka soo noqday Maamule” ayuu hadalkiisa ku soo afjaray Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, Md. Cabdillaahi Ibraahin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.