Mucaaradka oo loo ogolaaday in ay mudaharaadka ku qabsadaan daljirka dahsoon

MUQDISHO – (WARSOOR) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in ay mudaharaadka ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon”.

Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in ay markii hore mucaaradka u soo jeedisay in ay mudaharaadka ku qabsadaan garoonka Eng. Yariisow si loo xaqiijiyo habraacyada xakamaynta COVID-19, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu ogolaatay dalabka mucaaradka.

Mudaharaadka Muqdisho oo ah mid looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheysan maalinta sabtida ee horraanta todobaadka dambe.