Af-Hayeenkii Madaxtooyada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Baneeyay Xilkii Af-Hayeenimo

HARGEYSA – (WARSOOR) – Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenkii madaxtooyada Somaliland la hadlaayay warbaahin ayaa shaaciyay inuu baneeyay xilkii af-hayeenimo maadaama oo uu yahay murashax u taagan golaha wakiilad ee gobolka Sannaag.

Maxamuud Warsame wuxuu xusay in xil banayntiisa ay keentay in aanu xeerka doorashooyinku ogolayn in cida u taagan qabashada jaggo kale aanay aanay hayn karin xil qaran.

Ugu dambayn Af-hayeenkii hore ee madaxtooyada Somaliland Maxamuud warsame Jaamac wuxuu dadweynaha ku nool gobolka Sannaag u soo jeediyay inay ka shaqeeyaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo degaanka, doortaana murashixiin ka shaqeeya horumarkooda.