Maxkamadda Ciidamada oo soo gabagebeysay Dhageysiga Dawcada seddex eedeysane

Baydhabo – (warsoor) – Maxkamada Darajadda Kowaad ee Ciidamada Qalabkasida ee dalka ayaa u fadhiisatay Dhageysiga Dacwad ciqaabeed loo heystay Seddex eedeysano oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Amaanka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Seddexdan eedeysane ayaa loo heystaa in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab isla markaana ay dileen wadaad caan ka ahaa Magaalada Baydhabo xili uu ku tuganaayey Salaad Taraawiixda masjid ku yaalo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Maxkamadeynta Eedeysaneyaashan ayaa ahayd mid u furan dadweynaha waxaana goob joog ka ahaa garsooreyaasha maxkamada iyo abuukatayaasha u doodayey eedeysanayaasha iyo waliba ehelida Marxuumka la dilay.

Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay Marqaatiyaal dhowro ah oo ay ku jiraan ragii soo qabtay eedeysanayaashan iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay hubkii lagu soo qabtay eedeysanayaasha oo ahaa laba bistoolad iyo hal bam gacmeed.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidamadda Qalabkasida ee Soomaaliya G/sare Xasan Nuur Cali Shuute ayaa shaaciyey in la dhameys tiray dhageysiga dacwada loo heysto seddexda eedeysane asaga oo sheegay in Go’aanka Maxkamadda Dib kasoo sheegi doonto.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.