Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Ka Hadlay Isbadalka Horumarka ee Gobolka Sool

Laascaanood – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda JSL Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay sanadkan lacag todobada Milyan oo horumarin ah galisanyo gobolka Sool.

Wasiirka ayaa sidoo kalena baaq u diray qurbajooga reer Sool isaga oo ugu baaqay inay ka qayb qaataan horumarka iyo dhismaha gobolka Sool, Mr. Xaashi ayaa arrimhaasi kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey munaasibad Laascaanood ka dhacay oo lagu qaabilay madaxweynah Somaliland oo halkaasi ku sugan.

IMG_9886

Wasiirka ayaa ugu horayn ka hadlay ujeedada safarka madaxweynaha ee Sool waxaanu yidhi “ Farxad weyn ayey noo tahay in maanta Madaxweynaha iyo weftigiisa aanu kormeer shaqo ku soo marno dhismaha cisbitaalka weyn ee magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ka socda. Madaxweynuhu wuxuu halkan u yimid inuu ino-indheeyo shaqada halkan ka socota, horumarka laga wado, halka uu marayo, iyo dugsiga boodhinka ah oo isaga madaxwenaha iyo weftigiisu ay tagi doonaan.”

Mr. Xaashi ayaa waxa uu isbarbar dhigay maamuladii kala dambeeyey ee gacanta ku qabtay Laascaanood iyo isada Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay xaga horumarka ugu duwan tahay waxaanu yidhi  “ Gobolka Sool waa gobol weyn oo muhiim u ah xukuumadda Somaliland, xisbiga KULMIYE markuu tallada dalka ku guulaystay 2010-kii waxa uu garwaaqsaday sidii khudbadii Madaxweynaha ee shalay ku jirtay, Madaxweynuhu wuxuu garwaaqsaday in gobolka Sool uu dib u dhac badani ka jiro oo horumarkiisu uu ka hooseeyo gobolada kale ee Somaliland, waxay qiimayntaasi ku soo baxday in nidaamyadii kale duwanaa ee u kala dambeeyey gacan ku haynta tallada gobolkan in aanay wax badan ka qaban, taariikhdu been ma sheegto, qorax ama cadceed jirtana cidna sacab kuma qarin karto, lix sano ayaa maanta laga joogaa xiligaa go’aankaa adag uu Madaxweynuhu qaatay in gobolkan horumar laga sameeyo, waxa aynu is waydiinaynaa maxaa Sool ka qabsoomay, cid dafiri kartaa ma jirto maanta, maxaa Xukuumadda KULMIYE Sool ka qabatay lixdaa sano? maxaa Sool ka qabsoomay sadexdii sano ee ka horeeyey ee Xukuumaddii Daahir Rayaale ay gobolkan gacanta ku haysay?. Waa sagaalkaas sano ayuu qaranka Somaliland gacanta ku hayey gobolka Sool oo uu gobolkani si buuxda uga mid ahaa,  sideed sano oo maamulka Puntland qabsaday gobolkan, maxaa ka qabsoomay,? iyada waa lays waydiinayaa, taariikhadaana sheegaysa, maxaa Dawladii Maxamed Siyaad Barre ka qabatay 21-kii sano ee ay jirtay, mid waliba gun ayey leedahay cid dafiri kartaana ma jirto.”

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo danaynaya horumarka gobolkan waxa laga qabtay wax fara badan, waxa ka mida xaruntan aynu maanta fadhino, ee ay ardaydaasi wax ku barato oo ah machad laga tababaro da’ yarta caafimaaadka baranaysa, waa wax weyn gobolo badan oo ka mida Somaliland ayaan machad kan oo kale lahayn.”

Md. Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay lacag gaadhaysa Todobada milyan oo doolar oo lagu horumarinayo gobolka Sool waxanau yidhi “ Waxa ka mida cisbitaalka aynu maanta joogno oo uu Ingiriisku dhisay sanadkii 1948-kii, waataa maanta dayac tirkiisii aynu wadno, halkan waxa la galinayaa lacag faro badan, waxa aanu u mahad naqaynayaa dawlaha aynu saaxiibka nahay ee horumarka inaga caawiya gaar ahaan kuwa taageera sanduuqa SSDF. Todobada milyan oo doolar ayaa gobolkan la galinayaa, waxaanu beeninayaa kuwa yidhaa sanduuqaa gobolkan waxba laga galin, waxaanu cadaynayaa in mashruucaas cisbitaalka Laascaanood laga fulinayo uu sadex milyan oo doolar ku baxayo, dugsiga boodhinka ah isagana sadex milyan ayaa galaya, iyo hal milyan oo biyaha galaya lacagtaas waxa qorshaheeda dhigay Xukuumadda Somaliland ee Axmed Siilaanyo Madaxweynaha ka  yahay dalalka aanu saaxiibada nahayna waanu ku qancinay in Sool ay horumar u baahan tahay, waxaanu ku qancinay in oo hawl badan nagu qaadatay in dhulkani aanu ahayn dhul laysku hayso ee uu yahay dhul u baahan horumar iyo in aduun la galiyo.”

“Waxa noo qorshaysan in sanduuqa SSDF laga maalgaliyo gobolada Sool, Xaysimo, Sanaag barri iyo Buuhoodle mashaariic aad u faro badan sanadaha 2017-ka iyo 2018-ka qorshahiisiina gacantaa lagu hayaa, waxay noqon doonaan, iyadoo la tixgalinayo in la soo jiido waxay noqon doonaan kuwa ugu mudan gobolada Somaliland, waxa qorshahaas maanta dajinaya maaha dawladan soo socota waa ta talladda gacanta ku haysa, Xisbiga KULMIYE oo aanu filayno in guulahaas aanu gaadhnay darteed tallada ku soo noqon doono aanu rajaynayno, seeska ayaanu u sii dhigaynaa.”

Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena hadlay mashaariic horumarineed oo ay Xukuumadu ka hirgalisay Laascaanood waxanau yidhi “ mashaariic kale oo badan ayaa magaalada Laascaanood laga fuliyey wadooyin ayaa ka mida, 7KM oo wado ah ayaa hore u samaynay imikana 6KM ayaa gacanta laga hayaa, sadex dhamaatay sadexna aynu saaka dhagax dhignay, waxa kale  oo la samayn doonaa 4KM oo kale taas macnaheedu waxa weeye buurihii Laascaanood iyo dhagaxii inay laami noqdaan, Solar ayeynu samaynay, garoon casri ah oo dhalinyartu ku ciyaarto ayeynu samaynay. waxaanu gobolkan ka dhisnay jaamacada Nugaal sagaal boqol oo kun oo doolar ayaanu galinay, waxa weeye waxaas oo aduun ah lexejeclo aanu ka qabno gobolkan iyo dadkan, iyo aamin-sanaan aanu aamin san nahay inay waxan nala leeyihiin ayaanu u galinayna ma ahayn laaluus, ma ahayn waxa khasab nalaga qaaday, labadaa midna ma ahayn, waa wax ay dadkani nala leeyihiin, dadkan ayey ka mid yihiin, dalkan  ayey wax ku leeyihiin.”

Mudane Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ maamulka Puntland waakii gacanta ku hayey, waxa ugu waynaa ee ay ku doodayeen dhiig ayeynu wadaagnaa hadii dadka gobolkan degan DNA-dooda la qaado, waxay inta badan isku dhiig noqonayaa dadkan  ay ooda wadaagaan ee Somaliland, aniga hadii dhiigayga la qaado sagaal awoow ayaa dadkan ka soo jeedaa, wax lagayaabaa in ninka Gaalkacayo jogaa aanu ka soo jeedin, waxaan markaas leeyahay oodi ab ka dhow, Dhirtuna siday isu dhigto ayey isu xoqdaa.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “Horumarka gobolkani bartilmaameed ayuu xisbiga KULMIYE u yahay. Puntland maxkamad qabyo ah ayey kaga tageen lixdii sano ee ay maamulka gobolkan hayeen, Somaliland intii ay tallada haysay waxay qabatay waa aragtaa, shacbiga Aqoonyahana, indheer-garatada waxanu leenahay nala eega, nala cadaalad sameeya, qiimeeya, bal isu kaayo eega, anagu nabad ayaanu gobolka ka samaynay, Ciidmada aanu keeno gumaysi umaanu keenin inay nabad ilaaliyaan ayaanu u keenay, waa kuwaa maanta ku kala hagoogtay beelihii walaahada ahaa ee shaqaaqadu ka dhex dhacday, markii Puntland haysatay meel walba waa laysku dili jiray, baroono ayaa magaalda layskugu soo kaxaysan jiray iyadoo qoys qoys laysku dilayo, aanada iyo aargoosiguna wuu socday, masaajidka wayn ee Laascaanood hortiisaa qoorwayntii lagu laayey, waxa weeye waxaanu leenahay gacana waxaanu ku wadnaa horumar iyo nabad galyo, midna waxaanu ku wadnaa in aanu dadka beerkooda isku xaadhno oo heshiisno, oo tabashada turkaan saarno, waxaanu leenahay walaalayaal, waxaas ayaanu qabanay bulshada reer Sool ee qurbaha jirta ee aragtida khaldani ku qufulan tahay waxaanu leenahay waar qudhunkaa iyo qabyaaladaa waa laga baxee kaalaya gobolka nala dhisa hadaa raganimo haysaa, oo lacagta aad Ubadkiina doonaysaan inaa ku laysaan wax ku bara oo la tartama gobolada kale ee Somaliland”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.