Maxaa ka jira in “Amniga Sheekh Shariif uu halis ku jiro”?

Muqdisho – (warsoor) – Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay inuu jiro weerar la qorsheynayo in lagu qaado madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

War saxaafadeed ay maanta soo saareen mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga gudaha ayaa lagu yidhi, “Wasaaraddu waxay bulshada la wadaagaysaa in uu yahay wax kama jiraan eedaha lagu xusay qoraal lagu sheegay in qaar kamid ah hay’adaha amniga ay abuubuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore Mudane, Shariif Sheekh Axmed. Wasaaraddu waxay caddeynaysaa in Madaxweynaha haatan xilka haya iyo labadii Madaxweyne ee ka horreysay ay dhammaantood amnigooda sugaan askar ka wada tirsan ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, sidaas daraadeedna aysan suurtagal ahayn wararka haatan la faafinayo”.

Hadalka kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa kusoo aaday xilli galinkii hore ee maanta war kasoo baxay xafiiska madashada xisbiyada qaran lagu sheegay in amniga Sheekh Shariif uu halis ku jiro.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay inay waajib qaran tahay ilaalinta amniga Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynihii ka dambeeyay, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaanu adkeynaynaa in Madaxweyneyaashii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay yihiin Madaxweyneyaal dalkan ka soo samata-bixiyey marxalad adag, qarankana ay ku leeyihiin tixgelin gaar ah, amnigooduna uu yahay waajib qaran oo ay u heellan yihiin ciidamada loo igmaday ilaalinta Madaxda Qaranka soo martay,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Labada siyaasi ayaa hadda safka hore uga jira shakhsiyaadka mucaaradka ku ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay uga hadashay khalkhalka soo wajaya xaaladda amni ee Sheekh Shariif.

“Madasha Xisbiyada Qaran waxay dhaleeceyneysaa isku day u muuqday weerar gaadmo ah oo qorsheysan oo ciidamo hubeysan ay ku hareereeyeen xarunta Madasha iyo hoyga guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Mudane Shariif Sheekh Axmed habeennadii isku xigay ee 22 – 23 Maarso 2020, Magaalada Muqdisho, taasoo xad-gudub ku ah xurmada madaxweynihii hore islamarkaana kasoo horjeedda shuruucda dalka iyo hannaanka dowladnimada”, ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay: “MXQ Waxay u aragtaa isku dayga shirqoolkaas lagu bartilmaameedsanayay hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaranka arrin lagu abuurayo xasilooni-darro siyaasadeed iyo mid amni oo Villa Soomaaliya ay gadaal ka taagan tahay, ayadoo aysan jirin sabab keeni karta in habeen madow ciidamo la dul keeno guriga Sheekh Shariif”.

“MXQ Waxay aaminsan tahay kuna shaqeyneysaa ilaalinta xasiloonida iyo ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka u dagsan, iyadoo arrintaas laga duulayana waxay ilaalada hoggaamiyaha madashu qaateen kaalin mas’uuliyadeed ayagoo ka hortagaya isku dhac hubeysan in labadaas habeen uu dhaco”.

Shariif Sheekh Axmed, iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo labaduba ku jireen doorashadii madaxtinnimada ee ugu dambeysay Soomaaliya, ayaa hadda ku mideysan madasha xisbiyada Qaran.

Xigasho: BBCSOMALI