Bangiga horumarinta Afrika oo Cafiyey deyntii Soomaaliya uu ku lahaa

Muqdisho – (warsoor)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Bankiga horumarinta Afrika uu cafiyey deyntii Soomaaliya uu ku lahaa, kadib dadaal dheer oo dawladda ay ku sameysay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.

“Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixinta uu soo saaray”

“Warbixinta AFDB waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda.

Wasiir Beyle ayaa xusay in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii wado dadaalka ay ugu jirto isbadalka horumarineed ee dhanka Maaliyadda dalka.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalka isbadal ee horumar ka Maaliyadda Soomaaliya, Waxa aan u mahadcelinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah UK iyo EU oo garab buuxa nagu siiyay in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika” ayuu yiri wasiir beyle.

Xigasho: SONNA