Matoor ololaya oo diyaarad ka soo dhacay oo ku habsaday guryo

MARAYKANKA – (WWRSOOR) – Diyaarad nooceedu yahay Boieng ayaa guryo ku yaalla magaalada Denver qayba ka mid ah matoorkeeda oo ololaya ku soo duldhacay guryo magaaladaasi ku yaalla.

Diyaaradda Boeing 777, oo ay saarnaayeen rakaab dhan 231 iyo 10 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda, ayaa si nabad ah ku soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha Denver. Wax qasaara ah oo shilkaasi ka dhashayna lama soo sheegin.

Boolista ku sugan magaalada Broomfield ayaa baahiyey sawir muujinaya qaybta hore ee matoorka diyaaradda oo guryo ku soo dul dhacay.

Rakaabka diyaaraddaasi saarnaana waxay sheegeen qarax aad u weyn iney maqleen waxyar un kaddib marki ay diyaaraddu garoonka ka duushay.

Diyaarad nooceedu yahay Boieng ayaa guryo ku yaalla magaalada Denver qayba ka mid ah matoorkeeda oo ololaya ku soo duldhacay guryo magaaladaasi ku yaalla.

Diyaaradda Boeing 777, oo ay saarnaayeen rakaab dhan 231 iyo 10 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda, ayaa si nabad ah ku soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha Denver. Wax qasaara ah oo shilkaasi ka dhashayna lama soo sheegin.

Boolista ku sugan magaalada Broomfield ayaa baahiyey sawir muujinaya qaybta hore ee matoorka diyaaradda oo guryo ku soo dul dhacay.

Rakaabka diyaaraddaasi saarnaana waxay sheegeen qarax aad u weyn iney maqleen waxyar un kaddib marki ay diyaaraddu garoonka ka duushay.

Wakaaladda Maamusha Duulista Hawada ee FAA waxay sheegtay diyaaradda Matoorkeeda gubtay kaddibna soo dhacay inuu yahay kan midigta.

Diyaaradda duullimaadkeeda oo ku diiwaan gashanaa 328, oo ah diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaraaha United Airlines waxay ku sii jeedday Honolulu.

Mid ka mid ah dadki rakaabka ahaa ee diyaaraddaasi saarnaa oo wakaaladda wararka ee AP u warramay wuxuu sheegay inuu duuliyaha diyaaradda uu rakaabka u sheegay inuu qarax aad u weyn uu jiro.

“Diyaaraddu waxay billowday iney si aad ah u ruxanto, waxaanna awoodi weynay inaan sare u soconno kaddibna waxaan billownay inaan hoos u dagno” ayuu yiri David Delucia.

Wuxuuna intaasi uu ku daray isaga iyo xaaskiisa boorsada yar ee jeebka oo ay macluumaadkooda oo dhan ku jireen ay jeebka gashadeen si ay haddii ay diyaaradda burburto xogtooda halkaasi looga helo.

Muuqaallo qaab online ah lagu baahiyey ayaa muujinaya qiiq matoorka diyaaradda ka baxaya. Muuqaal kale oo qof diyaaradda saarnaa uu duubayna wuxuu muujinayaa matoorki oo uu dab qabsaday iyo daboolka kore ee matoorka oo meesha ka maqan.

Dhacadadan ayaa dhacday Sabtidi saacaddu markay ahayd 5-tii galabnimo ee wakhtiga magaalada Denver.

Booliska magaalada Broomfield waxay shacabku fareen qaybaha matoorka diyaaradaha ee guriyahooda ku soo dul dhacay ineysan taaban.

Hay’adda mamusha duullimaadyada iyo Guddiga Badqabka gaadiidka qaran ayaa billaabay baaritaan dhacdadaasi la xiriiro.