Masuuliyiin Madaxwayneku-xigeenka Somaliland Hogaaminayo Oo Odayaal Qaranka Magac Ku Leh Guryahooda Ku Bookhday

Hargeysa –  (warsoor) — Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxwayanaha Qaranka Somaliland ayaa, guryahooda ku booqday laba oday oo qaranka magac iyo taariikh weyn ku leh oo xannuunsanaya gelinkii hore ee maanta.

Odayaasha Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ku booqday guryahooda magaalada Hargeysa waxay kala yihiin; Prof. Axmed Xasan Caafi, oo ka mid ahaa Wasiirradii aqoonta lahaa ee soo maray wasaaradda qorshaynta qaranka, waxaanu ahaa cahdigii Marxuum-Cigaal iyo Maxamed Cabdi Arabay, oo labadooduba u jiifa xannuun.

Madaxwayneku-xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu odayaashaas Ilaahay uga baryey caafimaad iyo inuu cudurka haya ka dulqaado.

Booqashada Madaxwayneku-xigeenka Somaliland, oo laga qariyey saxaafadda waxa ku wehelinayey Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Cilmi Baadhista SL Cali Xaamud Jibriil, wasiiru dowlaha qorshaynta Somaliland Mudane Cismaan jamac Awcali, wasiir kuxigeenka warfaafinta Md Guled Cabdi Xasan, Lataliyaha Madaxweynaha Axmed Xasan Carwo iyo Xoghayaha Gaarka ah ee M/weyne Kuxigeenka Cabdirashiid Xaaji Cali Cilmi.

Wasiirada la socoday Madaxwayneku-xigeenka Somaliland oo iyaguna dhammaantood Ilaahay uga baryey odayaasha sharafta leh in xannuunka ka kor qaado, caafimaadna ugu beddelo.

Odayaasha xannuunsanaya ee Madaxweynuhu guryahooda ku booqday waxa ay ka mid yihiin xubnaha ugu miisaanka culus ee mus-dambeedka u ah xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE.

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap