Masjidka Baraykaysan ee Qudus oo Dib Loo Furay

Juurisalaam – (WARSOOR) – Waxaa maanta oo Axad dib loo furay masaajidka barakeysan ee Qudus ka dib markii uu muddo laba bilood ah xidhnaa xanuunka karoonafeyras dartii.

Masuuliyiinta Muslimiinta ee maamusha masaajidka ayaa musaliyiinta u soo jeediyey inay sameeyaan feejignaan iyo taxadir caafimaad, si looga digtoonaado inuu xanuunku fido.

Majidka Baytul aqsaa ayaa masaajidka saddexaad ee Baraykeysan, waa markii ugu horeysay ee dadka muslimiinta ah ee ku nool Qudus ay u suurto-gali kari weyday inay ku cibaadeystaan bishii Barakeysnayd ee Ramaddaan iyo inay ku tukuadaan Masjidka Ciidii Carafo.

Boqolaal Muslimiin ah ayaa markii la furay masaajidka iyagoo kor ugu dhawaaqaya ‘Ilaahay baa weyn Ilaahay baa weyn’ kilbaha dhulka dhigay si ay ilaahay ugu sujuudaan sujuudi shurki, waxaanay sidoo kale dhunkadeen dhulka barakeysan ee Masaajidka.

Salaadii subax ee maanta waxaa maajidka soo xaadiray ilaa 700 oo Muslimiin ah kuwaasi oo intooda badan xidhnaayeen wajisaab.

Tan iyo intii xanuunku qarxay, waxaa xanuunka laga helay 17,000 oo Yuhuud ah, waxaana sidoo kale ku dhintay 284. Dhinaca daanta galbeed xanuunku wuxu ku dhacay 386 waxaana ku dhintay 3 qof.