Marwo Aamina Waris Iyo Jamaal Cali Xuseen Oo Xalay Kullan Ballaadhan Ku Yeeshay Qasriga Madaxtooyada

Hargeysa – (warsoor) – Wararka hoose oo aanu ka helaynay illo-wareedyo ku sugan Qasriga looga taliyo Somaliland ee Madaxtooyada, ayaa sheegay in uu kullan ballaadhan oo al-baabadu u xidhan yihiin caawa uu qasriga madaxtooyada Somaliland ku dhexmarayo Marwoda Madaxweyne Siilaanyo Aamina Waris iyo Jamaal  Cali Xuseen,kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid saacado badan qaatay.

Kullankan ka dhacay qasriga Madaxtooyada Somaliland ee dhexmaray Jamaal Cali Xuseen iyo Marwo Aamina Waris, ayaa la sheegay inuu ka dhashay dalab ka yimi dhanka  Jamaal Cali Xuseen,kaasi oo ay Marwo Aamina Waris-na ka ogolaatay,isla markaana waxay ku casuuntay qasriga looga arimiyo dalka ee Madaxtooyada.

Wararka laga helayo kulankaasi ayaa sheegaya inuu Jamaal Cali Xuseen ula shirtegay Marwo Aamina –waris  cabashooyin is barkan oo uu ka tirsanayo waxaada Garsoorka, guddiga Diiwaangelinta iyo weliba Hay’addo kale oo  ka tirsan Xukuumadda uu hoggamiyo Axmed Siilaanyo,cabashooyin-kaas oo ahaa  qaar uu ugu gudbiyey Jamaal Cali qoraal iyo af-ba marwoda ,iyadoo la sheegay in ay  cabashooyinka badhkooda ka garowday Marwo Aamina Waris,balse ay si cad ugu sheegtay in aanay jir wax ay hadda ay ka qaban karrayso,iyadoo u gunuday inuu iska samro,taasi oo uu Jamaal-na ku raacay marwoda.

Dhanka kalena Aamina-waris ayaa la sheegay in ay Jamaal u sheegtay in maaliyadii kaga khaasaartay Xisbiga UCID, ay farta ka saari-doon,waxaanay ka dalbatay inuu isna taageero xisbiga KULMIYE,isla markaana uu kala shaqeeyo sidii uu Xisbiga KULMIYE doorashada ugu guuleysan lahaa.

qaaa

Geestsa Jamaal cali xuseen ayaa talooyinka ay Marwo Aamina Waris u soo jeedisay ku soo dhaweeyey howraarsan iyo haddal san Eedo,waxaanu u sheegay in ay Muuse Biixi kulmeen,isla markaana ay galeen wacad iyo heeshiis labadoodu uun isla ogaayeen,”Muuse waanu kullanay Si Sharaf leh ayuu iila haddlay ana si sharafle ayaan ula haddlay arina meel ayaanu dhiganay”  Jamaal

Si kastaba ha-ahaatee kullan-kan ay caawa qasriga Madaxtooyada ku wada yeesheen Aamina waris iyo Jamaal Cali Xuseen ayaa ku soo dhammaaday, guul iyo is afagarad, waxaana loo ballamay kullan kan ka duwan.

Wariye Cabdi Saxafi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.