Mansabka Kursiga Macaan Mise Meelmarinta Masiirka Kulmiye?

Cabdirisaaq_askarAkhristayaasha sharafta leh waan idin salaamayaa marka hore. Waad la socoteen ayaan filayaa maqaal todobaadkii ina dhaafay warbaahinta kala duwan kusoo baxaayey oo ciwaankiisu ahaa “Shirqoolka Qawleysatada Qasriga Somaliland iyo Saamaynta ay ku yeelan karto Siyaasada Musharaxa Xisbiga Kulmiye” saddex qodob ayuu maqaalkaasi xambaarsanaa; ta kowaad, tayada masuuliyiinta kala duwan ee wakhiyadan dambe madaxtooyadu magacawdo. Ta labaad, masuuliyiinta xilal ka haya xukuumaddan kulmiye keenay oo haddana hogaanka iyo siyaasada xisbiga kasoo horjeeda . arinta saddexaad iyana waxay ahayd arinta tiradda goobaha codbixiyayaasha ee caasimada. Waxaan ku xusay maqaalkaa in aan soo bandhigi doono shakhsiyaadka lidiga ku ah siyaasada xisbiga, magacyadooda iyo masuuliyada ay xukuumada ka hayaan. Haddaba, aniga oo ku guda jira diyaarinta macluumaadkaa aan balan qaaday ayaa fariimo iga soo gaadheen masuuliyiin xukuumada ka mid ah oo kolay waad dareemaysaane masuul aan wax isku ogayn ama aan ahayn madaxda aan tilmaamayo shaki kuma keeni karto warbixinta soo socota. masuuliyiintaa illa soo xidhiidhay waxay iga codsadeen inaan ka reebo liiska iyo waliba rag ay isku xulafa yihiin oo kale , waxaan u sheegay in ay arintani tahay mid ay ku xidhan tahay masiirka Xisbiga kulmiye iyo in la helo isku duubni guud ahaan masuuliyiinta xukuumada ku jira iyo  waliba mawqif wada jira sidii xisbiga kulmiye guul usoo hoyn lahaa doorashada fooda inagu soo haysa ee  dhici doonta horaanta 2017.

Sidaa darteed; aniga oo masuuliyiintaa dareenka kasoo bixisey iyo kuwa kale ee wali hadhsan tixgalinaaya waxaan dib ugu dhigay warbixintaydan muddo bil ah Insha allah. Mansabka kuraasta macaan ee hadda lagu fadhiyo waxa uu ku yimid dedaal iyo juhdi hormood ay ka ahaayeen hogaanka xisbigu hareerahana ay hayeen bahweyntiisu, suuragalna noqon mayso inaad jeclaato xilka iyo masuuliyada aad hayso wakhigan haddana ………….? Waxaa la idin siiyey inaad kusoo kala miiran taan bishaa gudaheeda kolay cid wal oo qalinkani ku socdaa way is ogtahee.

Wabillaahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.