Maleesiya oo Loo Dhaariyey Ra’iisal Wasaare Cusub

Maleesiya – (warsoor) – Muhyiddin Yassin ayaa loo doortay Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi ka dib markii ay baarlamaanka dalkaasi u codeeyeen inuu noqdo ra’iisal wasaaraha Maleesiya.

Muhyiddin oo ah 72 jir ayaa tartan la galay Ra’iisal wasaarihii dalkaasi muddada dheer ka talinaayey oo dhawaan dib ugu soo noqday siyaasada dalkaasi, Mahathir Maxamad.

Mahathir Maxamad oo hadda da’iisu ay cago cageynaysay 94 jir ayaa xukunka dalkaasi la wareegay 1981 waxaanu xukumaayey ilaa 2003, xiligaasi oo uu siyaasadda dalkaasi ka fadhiistay isagoo dalkiisa gaadhsiiyey horumar balaadhan una jideeyey istaraatiijiyad dheer.

Mahathir ayaa siyaasadda dalkiisii dib ugu soo noqday waxaan la doortay 2018, balse dhawaan ayuu iska casiley jagadda Ra’iisal wasaaraha dalkaasi.

Si kataba ha ahaatee, Baarlamaanka Maleesiya oo ka kooban 222 xubnood ayaa codka kalsoonida siiyey Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi Muhyiddin Yaasin, waxaa lagu dhaariyey qasriga boqortooyadda dalkaasi, oo uu boqor ka yahay Suldaan Cabdullah Suldaan Axmed Shah.